Kulankii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Faroole iyo wuxuu daarnaa – VIDEO

Published: January 28, 2017

Waxaa maalintii shalay kulan ku yeeshay Villa Somalia Madaxweynaha xilku ka dhamaadey ahna musharax Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore ee Puntand Cabdiraxmaan Faroole oo ka tirsan Aqalka sare ee Mudanayaasha Jamhuuriyadda.

Kulankooda ayaa ahaa mid albaabadu u xiran yihiin, waxaana markii uu soo dhamaadey ay si wada jir ah hadal kooban ugu sheegeen saxaafadda in ay ka wada hadleen arimaha doorashada mase jirin wax faa-faahin ah oo ay bixiyeen.

Mudane Faroole ayaa ugu yeeray Xasan Sheekh Maxadxweyne taas oo bishii September 2016 uu diidey in uu ugu yeero, waxaana uu sheegay in uu isagu casumey ayna ka wada hadleen arrimo dan ah.

Kulanku muxuu daarnaa?

Mudane Cabdiraxmaan Faroole ayaa weli ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya. Dadka ka faalooda arrimaha syaasadda ayaa sheegaya in Musharaxnimada Faroole ay tahay mid gor-gortan siyaasadeed ah, waxaana uu doonayaa in uu saameyn ku yeesho magacaabidda Raysal-wasaaraha imaan doona iyo xukuumadda.

Sida Horseed Media horey u qortey iyada oo soo xiganaysa ilo ku dhaw Villa Somalia waxaa jirey ballan qaad hore oo u dhexeeyey Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Cabdiraxmaan Faroole sanadkii 2016 kaas oo dhigaayey haddii Faroole ku taageero guusha Xasan Sheekh Maxamuud uu Mudane Faroole xil sare kala raadinaayo urur goboleedka IGAD isla markaana wilkiisa curadka ah ee Maxamed Faroole uu ka dhigaayo Wasiir haddii ay ku taageeraan in mar kale la doorto codadna uga keeno Xildhibaanada Puntland. Faroole oo saxaafadda kula hadley Garoowe bishii Diseembar ayaa warkaas diidey oo iska fogeeyey.

Cabdiraxmaan Faroole iyo Xasan Sheekh oo siyaasad ahaan aad u kala fogaa 2012-2013 ayaa gorgortanka siyaasadeed ee hadda socdaa isu soo dhaweeyey.

Madaxweynihii hore ee Puntland Faroole ayaa isbeddel ku sameeyey gor-gortankiisa siyaasadeed waxaana uu doonayaa in uu awood ku yeesho raysalwasaaraha imaan doona. Faroole oo la sheegay in markii hore uu heshiis la galay Sheekh Shariif ayaa warar sheegayaan in ay isku fahmi waayeen gor-gortanka Raysalwasaaraha haddii Sheekh Shariif la doorto, taas. Dadka u dhuundaloola arrimahan ayaa sheegaya in Musharax Faroole oo rajada uu qabaa ay tahay mid yar uu doonaayo in uu ka shaqeeyo sidii aan Madaxweyne loogu dooran lahayn Siyaasi ka soo jeeda beeshiisa gaar ahaan Cumar Cabdirashiid iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirka labada masuul ayaa imaanaya maalin kadib markii uu fashil ku dhamaadey shir ay isugu yimaadeen inta badan Musharixiinta oo ay doonayeen in ay ku samaystaan afhayeen ku hadla afka musharixiinta mucaaradka ah waxa loogu yeero, oo hadda u muuqda mid burburay.

Waxaa saacadihii u danbeeyey si xawli ah u socda kulamada iyo gor-gortanka awood qaybsiga ay wadaan dadka u ol-oleynaya (lobbyist) Musharixiinta kala duwan, waxaana dhici karta ka hor doorashada Madaxweynaha in ay tanaasulaan Musharixiin badan.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *