Turkiga oo ku hanjabay inuu isaga bixi doono Heshiiskii EU-da ee Qaxootiga – VIDEO

Published: January 28, 2017

Dowlada Turkiga oo ka careysan go’aankii Maxkamada Sare ee dalka Giriiga ku diiday in dib loo soo celiyo saraakiil militari oo ka baxsaday Turkiga ayaa sheegtay inay hada dib u eegis ku sameyn doonto heshiiskii horey u dhexmaray Midowga Yurub ee ku aadan qaxootiga soo galaya Giriiga.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Turkiga ayaa sheegay in xukuumadooda ay eegayso in dib loogu noqdo heshiiskii horey u dhexmaray EU-da ee qorayey in Turkiga xakameeyo qaxootiga soomaraya dalkiisa ee usoo gudbaya wadanka Giriiga oo ka tirsan Midowga Yurub.

Turkiga ayaa horey u sheegay in go’aanka maxkamada Giriiga ay saameyn ku yeelan doonto xiriirka u dhaxeeya Turkiga iyo Giriiga, balse waxaa muuqata in hajabaadan ay sidoo kale saameyn ku yaalan doonto xiriirka Turkiga iyo Midowga Yurub.

Tan iyo inqilaabkii fashilay ee bartamaihii sanadkii hore ka dhacay Turkiga ayaa waxaa socday xariga uu Madaxweyne Erdogan la beegsanayo askara lagu tuhmay inay afgembigaasi fashilay ka qeyb qaateen, waxaana sidoo kale la xiray suxufiyiin iyo siyaasiyiin badan oo lagu eedeeyey inay qeyb ka ahaayeen kooxaha kasoo horjeeda dowlada, arrimahaasi ay cambaareeyeen dalalka Midowga Yurub.

Hase yeeshee arrinta xiisada ugu weyn hada ka taagan tahay ayaa ah sidii laga yeeli lahaa sideed sarkaal oo diyaarad helikobter ah kala baxsaday Turkiga xiligii uu fashilay inqilaabka militari kuwaasi oo magangelyo weydiistay Giriiga.

Xukuumada Giriiga ayaa iyadu dib u celisay diyaarada ay lasoo baxsadeen askartaasi walow saraakiishaasi in la tarxiilo ay horjoogsatay maxkamada Sare ee Giriiga oo todobaadkan go’aan kasoo saartay dacwada raggaasi.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *