Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray Waddo laami ahmagaalada Bander Bayla – VIDEO

Published: January 29, 2017

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo maalmahan socdaal ku joogay magaalada Bander Bayla ee gobalka Karkaar ayaa xariga ka jaray wadada laamiga ah ee tagta magaaladaasi saaran xeebta Badweynta Hindiya.

Wafdiga Madaxweynaha oo todobaadkan safar shaqo ku maraya dhulka ay u hayaameen dadka reer Miyiga ah ee ka kala yimid gobalada dalka Soomaaliya ayaa sidoo kale booqasho ku tagay xarumaha hay’adaha ka shaqeeya degmada Bayla sida xarumaha caafimaadka.

“…Dhulkan waa dhul aad u qurxoon oo wax weyn tari doona guud ahaan Soomaaliya hadii wax badan laga qabto oo la maalgeliyo dhismihiisa…”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland xili uu xariga ka jarayey wadada Laamiga ah ee laga hirgeliyey wadada tagta magaaladaasi oo ku taal dhul buuraley ah.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *