Maxaa Sababay in Lacagta Dollarku Ku Yaraato Suuqyada Soomaaliya? – MAQAAL

Published: January 29, 2017

Baaritaan ay samaysey hay’adda OXFAM ayaa lagu gaadey in 8 qof oo ka mid ah dadka dunidan maanta ku nool ay la dhaqaale yihiin kala bar dadka dunida ku nool oo dhan, taas oo sababtey in dadka fakhriga ahaa ay sii noqdaan kuwo sabool ah kuwa qaniga ahna ay kor u sii kaceen.

Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa ah mid aan kontrool lahayn, ma jiro Bangi Dhexe oo ilaaliya sicirka kana hortaga in uu dalka ka dhaco sicir barar, ma jiro xeer ilaalinaya ganacsiga yaryar in aysan afka u dhigan shirkado ka muqur weyn, taas oo keentey in dhaqaaluhu noqdu mid sabaynaya, shirkado badan ay ka baxaan suuqa halka kuwo lagu ogaa nooc kamid ah ganacsiyada ay afka u dhigtaan kuwa kale ganacsigoodi.

Dadku waxay ka cabanayaan dhaqaale xumo, busaarad iyo dhibaatada dhaqaale oo noqotey mid daa’intey.

Muddooyinkii danbe waxaa si weyn ugu yaraadey suuqyada Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Puntland iyo Somaliland lacagta adag ee Dollarka, taas oo keentay in dalabka iyo bahida Dollarku uu kor u kaco. Waxaa dad badan is weydiinayaan sababaha keenay in Dollarku yaraado. Jawaabta su’aashan ayaa u baahan cilmi baarsi xooggan in lagu sameeyo sababaha keenay dhibaatada dhaqaale oo ay ugu horeyso lacagta adag ee ku yaraatey dalka.

Waxaan tilmaami karnaa qodobo dhawr ah oo ay ka mid sababha keenay in lacagta adag ay dalka ku yaraato:

– Lacagaha dibadda looga soo xawilo EVC.

Dhaqaalaha Soomaaliya ama GDP(Gross Domestic Product) dalka waxaa kaalin buuxda ka galay lacagaha dadka qurbojoogta ah ay dalka dib ugu soo diraan, Warbixin uu soo saarey Bangiga Addunka (World Bank) ayaa lagu sheegay in sanadkii 2016 GDP Soomaaliya ay gartey $6.2Bilyan, sababta ay kor ugu kacdey ayaa ah lacagaha la isu ssoo diro iyo maalgashiga dalka.

Shirkadaha Xawilaada ayaa dalka soo gelin jirey lacgo adag iyaga oo u qaybinaya xarumahooda ay ku leeyihiin Soomaaliya si dadka lacagta loo soo diro loo siiyo lacag adag (Dollar). Lacagta Xawilaaduhu bixin jireen ee adkeyd waxay geli jirtey suuqyada sarifka waxaana ay ahayd mid wax weyn ka beddesha qiimaha sarifka. Tan iyo markii shirkadaha Isgaarsiinta sida Golis, Telsom iyo Hormuud ay galeen nidaamka xawilaadda ooay suuqa ku qabsaden shirkadihii hore ee nidaamka soo jireenka ah isticmaali jirey waxaa meesha ka baxay si fudud lacagtii adkeyd ee suuqyada soo geli jirtey, waxaana dadka u soo dhacaya lacag lagu soo direy nidaamka EVC taas oo toos u geleysa telefoon lanbarkooda iska leh nidaamka eDAHAB, SAHAL, ZAAD. Lacagaha xarumaha xawiaaduhu kuleeyihiin qaaraddaaha Yurub, Ameerika iyo Ustraaliya ayaa toos ugu dhaca bangiyada waa weyn ee shirkaduhu ku leeyihiin dalalka deriska ah, halka markii hore loo qaybin jirey xarumaha shirkadaha xawilaadaha.

Waxaa la dhihi karaa nidaamkan waa mid ka fudud oo ka dhakhsiye badan nidaamkii hore, waxaanse indhaha laga qarsan karin dhibaatada ka dhalatey oo ah mid hadda si weyn loo dareemay.

– Hoos u dhaca dhoofka xoolaha

Soomaaliya oo dhaqaaleehada udub dhexaad uu u yahay xoolaha nool ayaa waxaa si weyn hoos ugu dhacay dhoofka xoolaha, taas oo ay sababtey xanibaad toos Boqortooyada Sucuudigu u saarey iyo abaar daba-dheeraatey oo ku habsatey xoolaha Soomaaliya. Xoolaha loo iibgeyn jirey dalalka Carabta ayaa dalka soo gelin jirey lacag adag ee maanta baahida weyn loo qabo.

– Daabacadda lacagta shilin Soomaaliga ah

Daabacadda lacagtu waxay uu u baahan tahay nidaam maaliyadeed iyo daah-furnaan waana waxa keena sicir bararka. Maamulka Puntland waxa uu sanadkii 2015 dib u bilaabey in ay daabacaan lacagta Soomaaliga ee suuqyada ka baxay, inkasta oo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas uu Baarlamaanka hortiisa ku inkiray daabacadda lacagta cusub. Lacagta Soomaaliga ah ee soo geleysa suuqyada ayaan u dhigmin xadidka lacagta adag ee laga helaayo suuqyada taas oo kor u qaadey baahida dalabka lacagta adag. Si kale waxaan u dhihi karnaa daabacadda lacagta faalsada ah waxay afka u dhigatey wixii yaraa ee ku harey gacanta dadka.

– Lacagta Jaadka/Qaadka

Jaadka/Qaadka waa aafo dhulka la gashey dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana maalinkasta caleenta qaadka lagu beddashaa Malaayiin Dollarka Maraykanka ah. Kuwa ka ganacsada qaadku waxay doonayaan oo keliya lacgta adag ee Dollarka in dib loo saaro diyaaradda keentay Qaadka, ma jiro alaabo kale oo ay ku beddeshaan Qaadka, waana dalab malinkasta taagan. baahida deg-dega ah iyo sugid la aanta qaad-walayaashu waxay sababtaa in qiimaha Dollarku kor u kaco oo ay isku dayaan in ay ku helaan qiime ka sareeya kan suuqa yaala.

– Lacagaha Musuq-maasuqa ee Doorashooyinka

Musharixiinta Xildhibaanada Baarlamaanka iyo kuwa Madaxweynaha ayaa la dhihi karaa qayb ayey ka yihiin sicir bararka, waxa ay keydsadeen oo urursadeen in badan oo kamid ah lacagta adag ee suuqyada Soomaaliya iyaga oo doonaya in ay ku galaan doorashada Soomaaliya ee musuq-maasuqu hareeyey.

Talo soo jeedin

Shirkdaha afka u dhigtey nidaamkii xawaaldaha ee lacagta adag dalka soo gelin jirey waxaa laga doonayaa inay dejiyaan hab ay lacagta dib ugu celiyaan suuqyada dalka, haddii kale waxaa hoos u dhacaya kalsoonida ay shacabku u hayaan. Tusaale lacagta EVC lagu diro ee ay isticmaalaan Shirkadaha TAAJ iyo Dahabshiil iyo qaar kale waxaa loo sameyn karaa xad ah in $1 000 iyo ka badan keliya lagu diri karo nidaamkaas, laakiin wixii ka hooseeya ee biilasha reeraha lagu bixiyo lacag adag.

Dhanka amniga lacagaha dadka ee shirdahan ay ku xereysteen bangiyadooda ayaa laga doonayaa in uu yahay mid sugan. Tusaale denbi kasta oo dhaca xiliga habeenkii ma jiro Taleefano (Hotline) shaqeeya 24Saac oo loo cabto ama loo gudbiyo denbiyada dhaca sida dhaca tooska ah, waxaana qofku ku khasaban yahay in uu sugo xiliga shaqada taas oo kalifta xalinta denbigu in uu dheeraado.

Dhinaca kale dowladda Puntland waxaa lagama maarmaan ah in ay iyaguna dowrkooda dowladnimo ay qaataan. Si shacabka looga yareeyo qiimaha doollarka oo kor u kacay. Waxaa lagama maarmaan ah in daabacadda lacagta Soomaaligu ay noqoto mid xalaal ah oo daahfurnaan lagu dabaaco oo ay ka qayb-qaataan guddi ka kooban Ganacsato, bangiga Dhexe iyo weliba aqoonyahan madaxbanaan si loo ogaado xadiga lacageed ee la daabacayo ee aysan noqon mid lagu furanaayo lacagta yar ee dadka jeebkooda ku soo hartey.

Maamulka Puntland waxaa laga doonayaa in ay la wareegaan sarifka lacagta Jaadka ama Qaadka haddiiba aysan joojin karin, una sameeyaan qiime go’an oo aan loo oggolaan in ay galaan suuqa oo kiciyaana qiimaha sarifka.

 

Qore: Axmed-Daad Jaamac Diiriye

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *