Liiska 24 magac ee tartanka Madaxweynaha oo la soo bandhigay

Published: January 29, 2017

Waxaa la soo geba-gabeeyey diiwaan-gelinta musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee labada Aqal ay soo saareen liiska musharaxiinta isdiiwaan gelisay

Musharaxiin gaaraya 24 ayaa is diiwan geliyey, isla markaana buuxiyey shuruudihii looga baahnaa, waxa ayna ku tartami doonaan doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in aysan jirin haween isu diwaan geliyey tartanka iyaga oo loo oggolaadey in ay khidbadda bixiyaan kala badh inta raggu bixiyey oo ah 15000USD.

Waxaa la aaminsan yahay in mid kamid ah shuruudaha Musharixiinta aan la tixgelin kaas oo ahaa in 20 Xildhibaan ama hal Dowlsd goboleed ay soo jeediso musharaxnimada shakhsiga, waxaana la ti geliyey keliya sida ay u bixiyaan 30 000USD.

Doorashada ayaa dhacaysa 8 febaraayo 2017 oo maalin arbaca ah, waxaana ka qayb qaadanaya in ka badan 320 Xildhibaan oo ka tirsan labada baarlamaan ee Soomaaliya.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *