Kanada oo soo dhaweeyneysa dadka uu saameeyey go’aanka Trump ee xanibaada

Published: January 30, 2017

Dalka Kanada ayaa deganaansho kumeelgaar ah u ballan qaadey dhamaan dadka ay xanibtey go’aanka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku gaarey in aysan Maraykanka soo geli karin muwaadiniinta 7 dal oo Muslimiin ah..

Wasiirka socdaalka iyo arrimaha qaxootiga ee dalka KanadaAxmed Xuseen oo asalkiisu yahay Soomaali ayaa war saxaafadeed uu qabtey sheegay in aanu garan karin tirada dadka uu saameyn karo go’aanka Kanada. Axmed ayaa sheegay in dhamaan dadka ku sugan Kanada ee uu xanibey go’aanka Donald Trump ay soo dhaeeynayaan.

– Waxaan xaqiijinayaa in dhamaan dadka ku sugan Kanada ee ku xanibmay ay Kanada ku sugnaan karaan, aniga oo isticmaalaya awoodeyda Wasiirnimo ayuu yiri Axmed Xuseen Wasiirka socdaalka iyo soo-galootiga ee dalka Kanada.

Dalal badan oo caalamka ka mid ah ayaa canbaareeyey go’aanka Donald Trump, waxaana kamid ah hoggaamiyaasha canbaareeyey Raysalwasaaraha dalka Kanada Justin Trudeau.

Go’aanka uu qaatey Madaxweynaha cusub ee Maraykanka ayaa jaah-wareer xooggan ka abuurey caalamka iyo qaar kamid ah Garoonada diyaaradaha, waxaana Mudaharado xooggan ay ka dhaceen dalka Maraykanka kuwaas oo ka soo horjeeda go’aanka Trump.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *