Xil. Fartaag oo la codsadey in laga saaro guddiga doorashada Madaxweynaha

Published: January 30, 2017

Habeenkii xalay waxaa Hotel SYL ee magaalada Muqdisho ka dhacdey xaflad la sheegay in lagu taageerayo Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale u tartamaya xilka Madaxweynaha, waxaana ka soo qaybgalay Xildhibaano ka badan 100.

Xildhibanaadii ka qaybgalay munaasabadda waxaa kamid ahaa laba musharax oo uu kala tartamey Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku-xigeenkiisa oo ku fashiley ama ku guuldaraystey kuwaas o kala ah Xildhibaan Xidig iyo Faarax Sheekh Cabdulqaadir. Labada xildhibaan ee horey ugu guuldareystey tartanka ayaa waxaa taageero la daba taagnaa Xasan Sheekh Maxamuud.

Mudane Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag oo kamid ah mudanayaasha Aqalka sare ayaa ka mid ahaa Xildhibaanadii ka qaybgalay munaasabadda weliba hadal taageero ah ka jeediyey isaga oo sheegay in ay isku ballan sadeen in a tageeraan Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay banaan isa soo dhigeen oo aysan dhuumaneyn.

Xildhibaan Fartaag ayaa kamid ah Guddiga Doorashada ee baarlamaanku dhisey ee la doonaayo in aysan ka qayb-qaadan ol-olaha doorashada ee codkooda siin karaan qofkii ay rabaan iyada oo sir u ah.

Qaar kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha ayaa labada Afhayeen ee baarlamaanada Soomaaliya Jawaari iyo Xaashi u gudbiyey cabasho ah in Fartaag laga saaro guddiga doorashada maadaama uu galay ol-olaha Xasan Sheekh oo la sheegayo in uu u ballan qaadey Wasiirka gaashaandhigga iyo adduun kale oo aan la faah-faahin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *