Al-Shabaab oo baahiyey sawirada weerarkii Kulbiyow- SAWIRO

Published: January 31, 2017

Ururka al-shabaab ayaa baahiyey muuqaalo muujinaya weerarkii ay ku qaadeen xerada Kulbiyow ee Jubada Hoose, ee ay ku sugnaayeen ciidamada Kenya ee ku jooga Soomaaliya magaca AMISOM

Weerarka Kulbiyow oo al-Shabaab ayaa lagu soo beegay sanad kadib kii Ceel Cadde ee gobolka Gedo oo la aaminsan yahay in lagu diley 180 askeri inkasta oo Kenya aysan weli ka hadlintirada ciidankaas.

Sawirada ayaa muujinaya in Malayshiyaadka ururka al-Shabaab ay qabsadeen Saldhiga, sidoo kale waxa uu muujnayaa meydad aad u badan oo kamid ahayd askarta Kenya looga diley weerarka iyo weliba iyaga gacanta ku dhgey gaadiidka gaashaaman.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegay in ay weerarka ku dileen askar ka badan 50 askeri. Dowladda Kenya waxay qirsan tahay 9 askeri oo keliya in looga diley weerarka.

Weerarka Kulbiyow ayaa aad ugu ekaa kii al-Shabaab ay ku qabsadeen saldhigii Ceel Cadde ee Kenya sanadkii hore 2016. Malayshiyaadka labada dagaal ka qaybqaatey waxaa madaxa iyo gacanta midig ugu xirnaa maro cas sida ay muujinayaan sawirada labada dhacdo, labada weerarba waxay ku bilowdeen gaari bom agu soo xirey waxayna dheceen xili subax arooryaad ah, bisha Janaayo.

Sawirada hoos ka daawo

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *