Guddiga Gurmadka Abaaraha Oo Soo Bandhigay Lacagihii Soo Gaaray

Published: January 31, 2017

Guddiga gurmadka abaaraha Puntland ayaa magaaladda Bosaso ku soo bandhigay liiska dadka muslimiinta ah ee taakulada lacageed soo gaarsiiyay Guddiga, waxayna u mahadceliyeen cid walba oo ka qayb qaadatay gargaarka walaalahooda ku tabaaloobay abaaraha baaxadda leh ee ku habsday gayiga Soomaalidu degto.

Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha Sheekh Fu’aad Xaaji Nuur ayaa ugu baaqayUmmadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto in ay dadka abaartu hayso u dadaalaan oo aysan ka daalin inta Allaah raxmad waasic ah ina siinayo.

“Liiskaan waa dadka ka baxsan magaalada Boosaaso ee guddiga soo gaarsiiyey lacago taakulo ah, waxaana ku xigi doona liisaska Boosaaso hadba intaan ka gaarno, Allaha abaarta naga saaro” ayuu yiri Sheekh Fu’aad Xaaji Nuur.

Halkan Ka Akhriso Liiska Magacyada dadka Muxsiniinta ee Lacagaha soo diray.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *