Obama oo taageeray banaanbaxyada looga soo horjeedo go’anka TRUMP

Published: January 31, 2017

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama ayaa kabaxay aamusnaanta waxaana uu taageeray dadka banaanbaxyada wada kuwaas oo ka soo horjeeda go’aanka Madaxweynaha Maraykanka uu mamnuuc uga dhigey dadka Muslimiinta ah ee u dhashey 7 dal oo ku yaala Bariga Dhexe iyo Afrikain ay imaan karaan Maraykanka muddo 90 maalmood ah.

– Muwaadiniintu waxay muujinayaan awoodda uu dastuurku siinaayo ee ah in ay isu imaan karaan, kulamo qabsan karaan oo is abaabuli karaan si codkooda loo maqlo iyaga oo filan kara qiimaha Ameerika ayuu yiri afhayeen u hadley Obama oo lagu magacaabo Kevin Lewis.

Kevin Lewis ayaa sheegay in Obama iska fogeynaayo in dadka la fuquuqo iyada oo la eegayo diintooda, sida ay qortey Politico.

Trump oo waraysi siiyey Telefishanka ka hadla arrimaha Masiixiyiinta Christian Broadcasting Network ayaa sheegay dadka Kirishtaanka ah ee u dhashey dalka Siiriya in iyaga la soo dhaweynaayo taas oo muujineysa in go’aankiisu yahay mid diin gaar ah la fuquuqayo.

Inta badan Madaxweynayaasha xilka ka dega ee Maraykanka ayaan canaabereyn ama ka hadlin shaqooyinka Madaxweynaha xilka kala wareegay, inkasta oo Obama oo horey u sheegay in aanu dhaqankaas ilaalin doonin haddii uu arko wax khaldan uu hadlaayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *