Taliyaha Booliska Puntland oo Xariga ka jaray Saldhig cusub oo laga hir galiyay Degmada Xarfo

Published: January 31, 2017

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.Cabdidiqaadir Shire Faarax ( Erag) ayaa Xariga ka jaray Saldhig Cusub oo si casri ah lo dhisay, kaasi oo dhawaan laga hirgaliyay Degmada Xarfo ee Gobalka Mudug si loogu adeego bulshada Deegaankaasi.

Xarig jarka Saldhigan cusub ee Casriga ah ayaa waxaa ka so qayb Galay,Maamulka Degmada Xarfo,Taliska Degmada,Qurbo-joog, Odayaal ,dhalinyaro, Haween, Xubno ka mid ah Golaha Deeganka iyo Maamulkii hore ee Degmada Xarfo oo lahaa Qorshihii Saldhigaasi.

Gudoomiyihii hore ee Degmada Xarafo Cabdifitaax Cumer Daahir (Garuu) oo ahaa Masuulkii bilaabay qorashada Saldhigaasi Xiligii uu Degmadaas Gudoomiyaha ka ahaa ayaa sheegay in dhib badan u so maray in Degmada Xarfo ay yeelato Saldhig boolis oo casri ah,taasina Alle ku guuleyay kadib dadaal badan u sameeyay.

“Waxay iga qaadatay waqti badan sidii Degmada Xarfo u heli-lahayd Saldhig casri ah oo la mid ah kuwa caalam oo kale,xitaa waxaan ka sameeyay buug qorsha uu ku shaqayn lahaa waana sababta la iiga aqblay,iyadoo jireen degmooyin kale oo tartan igula jiray xiligaasi helista saldhigan casriga ah blse ALLE ayaa anigu igu guuleeyay”.

Gudoomiyaha Degmada Xarfo Bashiir Maxalin iyo Ku Xigeenkiisa C/laahi ayaa balan-qaadey in Dadweynaha logu shaqayndono Saldhigan cusub ee Casriga ah,iyagoona u Mahadceliyay Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen Erag iyo C/fitaax Guruu oo dhisimaha Saldhigan Gacanweyn ka gestay.

Sidoo kale,Suldan Dhowre oo ah Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland ee LONDON iyo Xubno kale oo odayaal dhaqameed iyo Haween isku jiray oo ka hadlay Xarig jarka ayaa so dhaweeyay saldhigan cusub oo ay sheegen in uu wax badan ka taridoono arimaha Amniga Degmada Xarfo iyo guud ahaanba Gobalka Mudug.

Dhinaca kale,Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland jen. Cadiqaadir Shire Faarax Erag ayaa Xusay in Saldhigan uu qayb kayahay Saldhigyo Casri ah oo labadii sano ee ugu danbaysay Dowlada Puntland ay ka hirgaliysay Degmooyinka, Jariiban,Dangarayo, Bandarbeyla iyo Gaalkacyo,kuwaaso lo dhamaystiray dhamaan Xafiisyadii iyo adeegyadii kale ee Ciidanku ay ku howlgalilahaayen.

Ugu Danbayntii,Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen. Candiqaadir Shire Faarax ( Erag) ayaa sheegay in ay is dhinca socondoonaan dhisida Saldhigyada Casriga ah iyo tayeynta Ciidamada Saldhigyada Booliska Puntland, kuwaaso wajigii kobaad ee tirokoobadoodii la so gabo-gabeeyay bilowgii sanadkan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *