Trump oo shaqada ka cayriyey ku-simihii Xeer-ilaaliyaha guud ee Maraykanka

Published: January 31, 2017

Sally Yates Xeer ilaaliyaha guud ee hoggaamineysey Wasaaradda caddaaladda ee Maraykanka ayaa ka hor timid go’aanka Donald Trump uu ku xanibey dadka u dhashey 7 dal oo Muslimiin ah in ay Maraykanka soo galaan. Yates ayaa u diidey qareenada wasaaraddu in ay difaacaan go’aanka Trump. Hadda Donald Trump ayaa shaqada ka cayriyey iyada oo markii horeba ahayd ku-sime sugeysa in ay xilka wareejiso. Waxa uu si kumeel gaar ah u magacaabey Dana Boente.

Yates waxaa magacaabey Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama, waxaana ay sugeysey inta Aqalka Senateku ay ka ansixinayaan ninka Trump u magacaabey xilkaas ee Jeff Sessions.

Sally Yates ayaa qoraal kooban oo ay soo saartey calaamad su’aal saartey sida uu sax u yahay oo sharciga u waafaqsan yahay go’aanka Trump ee muranka badan dhaliyey.

Trump oo aan weli ka harin in uu fariimihiisa soo mariyo barta Twitterka ayaa sheegay in Xisbiga Dimoqraadigu ay ku wadaan xagal-daacin magaaacidda golihiisa wasiirada, taas oo keentay in ay weli shaqada sii joogto Xeer laaliyihii Obama magacaabey.

Ninka uu Xeer Ilaaliyaha Guud u Magacaabey Trump Jeff Sessions ee aan weli la ansixin oo weydiiyey sababta hadda shaqada looga cayriyey Sally Yatesmarkii Obama magacaabey hoos ka daawo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *