Berlin oo lagu xirey saddex qof oo looga shakiyey Jihaadiyiin

Published: February 1, 2017

Xarunta dalka Jarmalka ee Berlin ayaa lagu xirey saddex qof oo looga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihiin kuwa isku magacaabey Dowladda Islaamka ee loo yaqaan Daacish.

Saddexda qof ee la xirey ayaa Boolisku aaminsan yahiin in ay safar ku aadi lahaayeen goobaha dagaaladu ka socdaan ee Siiriya ama Ciraaq si ay tababaro ugu soo qaataan.

Xafiiska xeer-ilaalyaha Berlin ayaa baaraya denbiga lagu soo oogey saddexda qof, waxaana uu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in ay jiraan su’aalo adag ama calaamado muujinaya in ay qorsheynayeen weerar argagxiso oo ay Jarmalka ka fuliyaan sida uu qoray Waregsyka Bild.

Saddexda qof ayaa la sheegay in ay booqan jireen Masjidka uu tegi jirey ninkii u dhashey dalka Tuuniisiya ee gaariga ku weeraray Suuq xiligii ciida Masiixiga sanadkii hore 2016 waxaana uu diley 12 qof, masjidkaas oo hadda ah mid sirdoonka Jarmalku ay ku gaafwareegaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *