Fadumo Dayib oo laga saarey guddiga anshaxa ee doorashada

Published: February 1, 2017

Faaduma Qaasim Dayib oo horey u ahaan jirtey musharax Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shir-guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ku darey in ay kamid noqoto Guddiga Ilaalinta iyo anshaxa ee doorashada Madaxweynaha. Marka xilkan loo magacaabayey Faadumo waxay ku sugneyd dalka Ingriiska. Faadumo oo waraysi siise BBC ayaa soo dhaweysey magaacibstaas waxaana ay sheegtay in ay ku faraxsan tahay in shaqadaas loo garto.

Si kastaba, magaca Faadumo ayaa habeenkii xalay laga saarey liiska waxaana iyadana lagu war-geliyey sidaas sida ay ku qartey barteeda Twitter-ka.

Waxaa fariin qoraal ah u direy Xoghayaha Baarlamaanka taas oo u qorneyd sidan hoose:

Faadumo Dayib ayaa sheegtey sababta looga saarey in ay tahay kuwo awooda si khaldan u isticmaalaya oo doonaya in ay doorasho musuq-maasuq ah galaan, maadaama aan ahay ayey tiri qof aan la gadan karin oo dida xaqa ah ku adag.

Shir-guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaan sheegin sababta ay ugu dareem markii hore haddana ay uga saareen maadaama aysan ahayn cilad dhankeeda ka timid.

Guddiga Anshaxa iyo ilaalinta doorashada Madaxweynaha ayaa ka koobnaa 9 xubnood waxaa la magacaabey maalintii Isniinta waxaana shaqadoodu ahayd Ilaalinta anshaxa iyo asluub-wanaagga iyo Bedqabka geedi socodla doorashadda madaxweynaha Soomaaliya.

Fadeexadda kale oo weli laga hadal hayo Muqdisho ayaa ah in ay baaqatey Dood Musharixiintu wada geli lahaayeen oo toos looga sii deyn lahaa telefishanada, kadib markii la waayey Internetka, lana sheegay laga sii daynaayo telefishanka Qaranka oo keliya iyada oo duuban taas oo musharixiintu ku tilmaameen mid aan la aqbali karin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *