Rasaas xooggan oo caawa ka dhacday magaalada Bosaso

Published: February 1, 2017

Magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari ayaa caawa laga maqley rasaas xooggan oo ka dhacaysa Koonfurta magaalada.

Israsaaseenta ayaa u dhexeysay koox hubeysan iyo ciidamo ka tirsan Puntland, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa fudud.

Weerarka ayaa ka dhacay isgoyska soddonka gaar ahaan wada dheer ee isku xirta kantaroolka laga soo galo magalaada iyo bartamaha Bosaso.

Waxaa ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhawaac israsaaseenta dhexmartay dableydii hubeysnayd iyo ciidanka.

Goobjooge la haday Horseed Media ayaa sheegay in koox hubeysan ay weerar ku soo qaadeen bar kantarool oo ay ku sugnaayeen ciidanka ammaanka magaalada, ciidankana waa ay iska caabiyeen kooxda.

Lix qof ayaa ku dhaawacantay, labo qof oo kalena waa ay ku dhimatay weerarkaasi ayuu yiri goob jooge kale oo la hadlay Horseed Media, isla markaana ka gaabsaday in la xuso magaciisa.

Dadka dhaawca ah ayaa isugu jira shacab iyo ciidan, iyadoo labada dhimatay ay ahaayeen laba dhalinyaro ah oo ka shaqeyn jiray goob mehrad ah oo ku dhaweyd goobtii uu weerarka ka dhacay.

Dadka dhaawaca ah ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka weyn ee magalaada.

Ammaanka magaalada ayaa beryahan dambe ana acaadi ahayn.

Weerarka ayaa ku soo begmaya xili seddex dhallinyaro ah oo ka mid ahaa 5 qof oo mudo lix casho ka hor ay gaari kala degeen Daacishta ku sugan buuralayda degmada Qandala ay gelinkii danbe ee xalay madaxyadooda soo dhigeen tuulada Karin oo 53 km u jirta Qandala

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *