Maxaa Laga Filan Karaa Go’aanka Maxkamadda Caalamiga ee Soohdinta Badda? -VIDEOS

Published: February 1, 2017

Maxkamadda Caalamiga ah ee fadhigeedu yahay magaalada The Hague ee dalka Holland ayaa maalinta berri ah ee ku beegan Khamiista ku dhawaaqeysa go’aan la xiriira muranka soohdinta badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadda ayaa go’aan ka gaareysa:

– in ay si toos ah u gasho dacwadda oo ay iyadu go’aan ka gaarto, dacwaddana la bilaabo iyo
– in ay dib ugu soo celiso labada dal fursadna u siiso in ay mar labaad wada hadlaan

Muranka Soohdimaha badda

Shirweynihii caalamka ee dhacay sanadkii 1982 ayaa Qaramada Midobey u asaastey guddiga loo xilsaarey in ay eegaan oo go’aan ka gaaraan xuduudaha Badaha ee waddamadu isku haystaan, Shirweynahaas ayaa loo yaqaaney United Nations Convention on the Law of the Sea, Bayaankii ama sharcigii laga soo saarey qodobkiisa 76 farqadiisa 8aad ayaa qeexaysey dalkasta in uu guddiga u gudbiyo xuduuda uu sheeganayo gaar ahaan soohsinta loo yaqaan qaloofta qaaradda oo waddan walba.

Sida ku cad shuruucda caalamiga ah waddankasta wuxuu xaq u lee yahay 200nm oo masaafada badda ah oo waddankaas mid ugaar ah laakiin waddankasta waxa uu codsan karaa in uu soo jeediyo soohidntiisa dheeraadka ah ee dhanka qalfoofta qaaradda taas oo ah mid aan marna lagu heshiin.

Dalka Soomaaliya ayaa xuduud dhanka badda ah la wadaaga dalalka Yemen, Jabuuti iyo Kenya, marna laguma guuleysan in heshiis rasmi ah laga gaaro soohdinta badda, mana ahan muranku in uu u dhexeeyo Kenya oo keliya ee waxaa jira kan Yemen ee la xiriira Jasiiradaha Suqadara ee hoostaga Yemen.

Muranka soohdinta badda ee Soomaaliya waxaa soo dedejiyey oo ka dhigey mid faraha ka baxay, Kenya oo damacsan in qaybo kamid ah biyaha soohdinta badda Soomaaliya ee ay cabiratey ay ka soo saarto shidaal.

Heshiiskii is-faham 2009

Dalka Soomaaliya oo 26 sano ee u danbeysey ku jirey dagaalo sokeeyo iyo maqnaanshaha Dowlad dhexe oo awood leh ayaa loo qabtey xili uu ku soo gudbisto doodiisa soohdinta qalfoofta badda taas oo dhacaysey 9 May 2009, arrintaasi waxay saameyn ku leedahay waddamada kale ee ay xuduuda wadaagaan Soomaaliya, maadaama ay saameyn ku yeelan karto waddanka kale, taas ayaa keentey in sanadkii 2009, Dowladii ku-meelgaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Dowladda Kenya ay ku heshiiyeen in dalkastaa is-kiis u gudbisto codsigiisa iyada oo aan midba kan kale ka keenayn dacwad. Arrintan ayaa la xiriirtey xeer u yaaley Guddiga soohdimaha badda ee Qaramada Midoobey haddii dal uu dal kale oo deris la ah dacwad ka keeno hakad la gelinaayo codsigooda, arrintan lama xiriirto soohdimihi hore ee dalkasta iska lahaa ee 200nmile ahaa, waxay la xiriirtey sheegashada dalkasta u sheeganayo biyaha dheeraadka ah ee uga maqan qalfoofta qaaradda. Waxaa arrintan khilaafka keenay xuduudii iyo xariiqdii dalka Kenya ay samaysey una gudbisey Qaramada Midoobey, taas oo ay gudbisey sanadkii 2005 markaas oo Soomaaliya Dowlad loogu dhisaayey dalka Kenya, waxaa jirey isku day kale oo Kenya ay ku gudbisey sanadkii 1979, waxaase taas buriyey shirkiiqaramada Midoobey ee dib loo dalabadey in dalalku mar kale soo gudbiyaan ee dhacay sanadkii 1982.

Sheegashada Kenya iyo in ay wax ka beddeshey xariiqda togan ayaa keentay in Soomaaliya ka baxdo heshiiskii is-faham ee la kala saxiixdey sanadkii 2009, kadib markii Soomaaliya ogaatey in Kenya ay dooneyso soohdin Soomaaliya ay leedahay ay ku darsatey teeda codsigaasna gudbisey sanadkii 2005, waxaana heshiiskaas laaley Baarlamaankii kumeelgaarka ahaa ee xiligaas.

19 Bishii Agoosto 2009 ayaa Raysalwasaarihii Soomaaliya Cumar Cabdirashiid waraaq u qoray Qaramada Midoobey, waxaana uu u qeexay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey go’aankii ka soo baxay Baarlamaanka ee lagu laaley heshiiskii is-afgaradka ahaa ee u dhexeeyey Kenya iyo Soomaaliya. Kenya ayaa warqadda Raysalwasaare Cumar u direy Qaramada Midoobey ku tilmaantey dhabar-jebin lagu dhabar-jebiyey heshiiskii labada dal u dhexeeyey ee ahaa in an dacwad la iska keenin.

“….The delimitation of the continental shelf between the Somali Republic and the Republic of Kenya has not yet been settled. It would appear that Kenya claims and area extending up to the latitude of the point where the land border reaches the coast, while, instead, in accordance with the international law of the sea, an equidistance line normally constitutes the point of departute for the delimitation of the continental shelf between two States with adjacent coasts. Somalia bases itself on the latter view….” Omar Abdirashiid PM 19 Agoust 2009.

Hoos ka eeg warqadda Cumar Cabdirashiid u direy qQramada Midoobey sanadkii 2009
Warqadda Cumar u direy UN-ka

Qoraalka Cumar Cabdirashiid u gudbiyey Qaramada Midoobey ayaa keenay Guddiga xadeynta soohdimaha badda ee caalamiga ah in uu hakad geliyo codsigii dalka Kenya. Sanadkii 2014 ayaa dalka Yemen isaguna dacwad ka gudbiyey Soomaaliya maadaama biyaha Soomaaliya ay sheegatey ay sheegeen in ay dhaafeen jasiiradaha Suqadara ee hostaga Yemen. Arrintan ayaa iyaduna keentey in hakad la geliyo codsigii Soomaaliya.

Go`aanka Maxkamada Caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2015 si toos ah u gudbisey dacwadda Badda taas oo uu horgeeyey Maxkamadda Xeer ilaaliyaha Guud ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Bishii Seteembar 2016 ayaa Maxkamaddu furtey galkii dacwadda ee soohdinta badda ee labada dal.

Dowlada Kenya oo iyadu fadhigan Maxkamada horkeentay dacwad ah hakin ama joojin in Maxkamada Caalamiga ah gasho Kiiska ay dowlada Soomaaliya soo gudbisay ayaa ku doodeysa 2 qodob oo kala ah;

  1. In maxkamada Calaamiga ah aysan awood sharciyan ullahayn inay gasho Dacwada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya
  2. In Marka hore Labada dal (Soomaaliya iyo Kenya) fursad loo siiyo inay dhex dooda wadahadal ka galaan soohdinta ay isku heystaan.

Doodan Kenya ka timid weeye waxa ay Maxkamada jawaabta ka bixin doonto, waxaana la filayaa inay labo arrin mid ay Maxkamada qaadan karto.

  1. In dacwada Soomaaliya soo gudbisay ay dib ugu soo celiso Dowlada Soomaaliya lagana codsado inay wadahada la yeelato Kenya.
  2. In Maxkamada go`aansato inay Dacwada Soomaaliya soo gudbisay si rasmi ah u guda-gasho. Maadaama ay awood sharci u leedahay inay gasho dacwadan, maadaama labada dal ee doodu ka dhaxeyso mid kamid ah uu dacwada soo gudbiyey. Waan maxkamada Caalamiga ah ee ugu sareysa oo dhex geli karta murranka dowlada jaarka ah u dhaxeeya.

Sida muuqata labada go`aan kii ay noqotaba Soomaaliya wax dhaawac ah kuma keenayso, hadii dib loogu soo celiyo dacwada lagana codsado in labada dal ay wadahadlaan, Soomaaliya iyadoo wakhti badan ku qaadan ayey isla dacwada dib ugu soo celin kartaa Maxkamada iyadoo sheegaysa in aan wax natiijo ah ka soo bixin wadahadalkii kala dhaxeeyey Kenya, taasi oo meesha ka saareysa doodii Kenya ee ahayd inaan fursad loo siin in labada wadan wada-hadlaan kahor intaysan maxkamada soo dhexgelin.

Hadii Maxkamada go`aansato in ay hadda gasho dacwada Soohdinta badda ee Soomaaliya iyo Kenya, waxaa muuqata inay Soomaaliya ku taagan tahay sharci, maadaama qaabka Soohdinta Soomaaliya loo jeexay ay tahay mid waafaqsan sharuucda caalamiga ah ee xadeynta xaduuda badda iyo Qalfoofka qaarada, arrintana waa mid ay ogtahay Kenya ay dooneyso inay ka hortagto in maxkamada dacwadan aysan gelin.

Muuqaalo la xiriira Dacwadda iyo heshiiskii Is-faham

Heshiiska MoU waxaa si wanaagsan u sharaxay Xeer ilaaliyaha Soomaaliya Axmed Daahir

Somaliya oo caddeysay in Kenya ka been sheegtay heshiiskii MOU 2009

Barnaamij horey Horseed Media uga diyaarisey dacwadda iyo muranka

Hussein Farah
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *