Saacid Shirdoon “Doorashadu waa in ay ku dhacdaa Daah-furnaan “

Published: February 1, 2017

Ra`iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo muddooyinkii u danbeeyey daganaa dalka Isutagga Imaaraadka Carabka ayaa dalka dalka dib ugu soo laabtay, waxaana ku soo dhaweeyey garoonka Muqdisho, Wasiiro, Xildhibaano ka kooban labada aqal, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho iyo dadweyne kale.

Saacid ayaa uga mahadceliyey dadkii soo dhaweeyey, wuxuna sheegay Soomaaliya xiligan in ay ku jirto xaalad adag oo abaar iyo colaad hareeyeen, isagoo ka codsaday bulshada Soomaaliyeed ee wax haysata iyo beesha caalamka in taageero ay la gaaraan dadka ay saameeyeen abaaruhu.

Mudane Cabdi Farax Shirdon, ayaa dhanka kale ka hadlay arrimaha Doorashada dhawaan ka dhici doonta dalka, wuxuna hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaan u tahay in dhinacyada tartamaya ay mar walba xusuusnaadaan danta guud ee dalka, kana hor mariyaan arrimahooda gaarka ah.

“Waxaan ugu baaqaya cid walba oo quseyso arrinta Doorashadu in dalka sharafkiisa iyo wixii meel ku dhac ku noqon kara laga digtoonaado. Soomaaliya maanta waxay u socotaa jid wanaagsan oo u baahan in lagu gaaro xasillooni Siyaasadeed” ayuu yiri Saacd.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *