Xasan Sheekh: “Muddadii aan xilka hayey hanti gaar ah ma samaysan”

Published: February 2, 2017

Musharax Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kamid ahaa musharixiin 7 gaaraya oo maanta Baarlamaanka ka horjeedinaya Sababta ay ku muteysteen in lagu doorto Xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo barnaamijka ay muhimadda siinayaan.

Murashax Xasan Shiikh wuxuu khudbadiisa xooga ku saaray waxqabadkii afartii sanno ee uu xafiiska joogay oo uu sheegay inuu wax ka qabtay arrimo ay ka mid yihiin Dhismihii maamulgoboleedyadda Dalka, Dagaalka dowlada Soomaaliyeed ay kula jirto ururka Al-shabaab iyo xasilinta iyo sugida Amniga, xoraynta degaanada Al-shabaab,xiriirka dimplamaasiyadeed, Wadahadalada Somaliland iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa.

Xasan Sheekh ayaa maanta soo jeediyey in barnaamijkiisu ku dhisan yahay saddex Arrimood oo kala ah:

  • Dhismaha haykal Dowladnimo
  • Adkeynta federaaleynta dalka
  • La dagaalnka Musuqa

Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu xildhibaanada u caddeynaayo in aanu wax musq-maasqu ah ku kicin mudadii uu xilka hayey
“Ma jirto hanti aan ka samaystay hantida qaranka, waxaan ballanqaadayaa inay la dagaalamo ku takrifalka hantida,” ayuu yiri, isagoo sheegay inu samayn doonaa guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa, sharcigana uu horgayn doono cidiid musuqmaasuq Samaysa.

Gabagabdii, Xasan Shiikh Wuxuu Ballanqaaday in dhaqaalaha dalka u dib dhisi doono, islamarkaana uu sii wadi doonaa Sahanka shidaalka iyo Khayraadka Badda, Afarta sanno ee soo socotana uu soo saari doona Shidaalka iyo khayraadka kale ee Dalka.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *