Maamulka Donald Trump oo markii u horeysey canbaareeyey Ruushka

Published: February 3, 2017

Maamulka cusub ee Ruushka ayaa beddalay lahjadiisa dhawr arrimood oo lagu muransanaa oo la xiriira Ruushka, Nato, Israil iyo weliba Meksiko.

Ergayga cusub ee Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobey Nikki Halley ayaa eedayn cusub u jeedisey dalka Ruushka, cooldaha ka soo cusboonaadey Ukraine, waxaana ay xaqiijisey in cunno-qabetyntu ay sii saarnaan donto Ruushka.

Halley ayaa kulankeedi ugu horeeyey ee ay ka qaybgasho Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey sheegtey in Ruushka cunno-qabateyntu saarnaan doonto tan iyo inta Ruushku uu ka baxaayo gacanka Krim dibna ugu celinaayo dalkii ay ka tirsaneyd ee Ukraine.

– Waxaan qabaa in ay tahay wax laga xumaado in aan kulankaygi ugu horeeyey ee Golaha Amaanka aan canbaareeyo Ruushka ficilaa gardarada ah ee uu wado ayey tiri Halley oo horey u ahaan jirtey barasaabka gobolka South Carolina ee dalka Maraykanka.

Waxay xaqiijisey in Maraykanku doonaayo in uu xiriir wanaagsan la sameeyo Ruushka, laakiin xaaladda bariga Ukriane ay u baahan tahay xukun cad.

Dagaalo culus ayaa maalmihii u danbeeyey ka socdey Bariga Ukraine oo ay ku dagaalamayeen jamhadaha hubeysan ee Ruushku taageero ee ka taliyo qaybo kamid ah Bariga Ukraine iyo ciidamada dalka Ukriane oo si weyn uga soo horjeeda faro-gelinta Ruushku dalkooda ku hayo.

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka ayaa horey u diidi jirey in la canbaareeyo Ruushka, waxaana uu qabey cunno-qabateynta la saarey in ay ahayd mid aad u xun, waxaana si weyn loo saadaalinaayey in Maraykanku ka fogaan doono canbaareynta Ruushka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *