Maxkamada Caalamiga ah Qaabkii ay u riday Xukunkii Kiiska Soohdinta Badda Somalia vs Kenya – VIDEO

Published: February 3, 2017

Maxkamada Caalamiga ah oo bilihii lasoo dhaafay baareysay shuruucda ku aadan dooda ay Maxkamada usoo gudbisay dowlada Kenya oo diiday in Maxkamada ay faraha la gasho Kiiska Soomaaliya soo codsatay ee la xariirta murranka Soohdinta badda ee labada dal.

Garsoorayaasha Maxkamada oo bilihii lasoo dhaafay eegayey dhamaan dacwadihii ay labada Wadan usoo gudbiyeen iyagoo la barbardhigayey shuruucda caalamiga ah ee horay u yaalay.

Dowlada Kenya oo iyadu diidmada horudhaca ah keentay ayaa kiiskeeda ku qotomay sadex qodob oo kala ah;

1- Heshiiskii MOU ee Soomaliya iyo Kenya kala saxiixdeen April 2009, inuu meesha ka saarayo in labada dal ay dacwado iska keenaan, sidaa daaraadeedna aysan Maxkamada Caalamiga ah gelin kiiska ay Maxkamada usoo gudbisay dowlada Soomaaliya sanadkii 2014.

2- Kenya ayaa sidoo kale ku doodeysa in Dacwada Soomaaliya ay ka horimaaneyso shuruucdii hore ee Qaramada Midoobay ee Baddaha (The United Nations Convention on the Law of the Sea). Arrintana loo daayo Guddiga UN-ka u qaabilsan xaduudaha badda.

3- Qodobka sadexaad ee ugu danbeeya ayaa ah in Kenya ayba shaki gelisay in Maxkamada Caalamiga ah aysanba awood sharciyadeed ullahayn inay gasho dacwo caynkaan ah.

16ka Garsoore ee Maxkamada Caalamiga ah ee dacwadan u fariistay ayaa sadexdan qodob mid waliba si gaar ah usoo darsay isla markaana ugu danbeyntii cod u qaaday xukunka ay ridayeen, wuxuuna xukunka u dhacay sidatan;

Qodobka 1aad:
16ka Garoosre ee Maxkamada waxayna 13 Garsoore isku raacday in Kenya ku khaldan tahay qaabka ay u fasiratay heshiiskii Is-afgaradka MOU ee Soomaaliya la gashay 2009, halka 3 Garsoore ay taageereen dooda Kenya. Waxaana sidaa lagu go`aamiyey qodobkaas in Soomaaliya ay garta heshay.

Soomaaliya ayaa ku doodeysay in heshiiskii MOU ee bishii April ee sanadkii 2009 uusan la xariirin soohdinta bada ee u dhaxeysa labada dal, balse uu ahaa mid ku kooban oo kaliya in labada dal ay codsigooda biyaha uga maqan Qalfoofka Qaarada ay u gudbin karaan Guddiga Qaramada Midoobay.

Bil kadib markii heshiiskii MOU la galay ayey dowlada Kenya bishii May ee isla sanadkaasi 2009 guddiga Qaramada Midoobay u gudbisay khariirada khaldan ee Soohdinta oo ay ku sheeganeyso qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya, waxayna arrintaasi keentay in Dowladii Soomaaliya iyo Baarlamaanka xiligaasi laalo heshiiskii is-afgaradka ahaa.

Qodobkan ayaa muhiim u ah Dowladii hore ee KMG ee Soomaaliya iyo mas`uuliyiintii ka tirsanaa ee lagu eedeeyey inay heshiiskaasi galeen, maadaama Maxkamada hada cadeysay in heshiiskaasi uusan wax xiriir ah lalaheyn Soohdinta la isku heysto ama khariirada Khaldan ee Kenya iskeed ugu gudbisay Qaramada Midoobay.

The Court by thirteen votes to three,

Rejects the first preliminary objection raised by the Republic of Kenya in so far as it is based on the Memorandum of Understanding of 7 April 2009;

Qodobka 2aad:
Qodobka kale ee la eegay ayaa ah dooda Kenya ee sheegaysa in Soomaaliya ku xadgubeyso shuruucda Caalamiga ah ee Baddaha, (The United Nations Convention on the Law of the Sea) dacwadama loo daayo guddiga u xilsaaran shuruucda bada oo aan Maxkamada loo soo gudbin.

Doodan Kenya ayey 15 Garsoore diideen halka 1 Garsoore kaliya uu la fikir noqday Kenya, waxaana sidaa lagu go`aamiyey in Doodaasi Kenya ay iyaduna tahay mid Maxkamada diiday. Sidaana aan lagu joojin karin kiiska Soomaaliya usoo gudbisay Maxkamada ugu sareysa caalamka.

The Court by fifteen votes to one,

Rejects the first preliminary objection raised by the Republic of Kenya in so far as it is based on Part XV of the United Nations Convention on the Law of the Sea;

Qodobka 3aad:
Sidoo kale Waxay Garsoorayaasha kadib falanqeyn iyo eegis sharuucda Caalamiga ah cod u qaadeen in Maxkamada Caalamiga ah ay kiiska Soomaaliya soo gudbisay awood ulleedahay inay hada bilowdo ama gasho?

Waxaana u codeeyey 13 Garsoore oo sheegay in maxkamada awood u leedahay halka 3 Garsoore kasoo horjeesteen, waxaana sidaa lagu go`aamiyey in Maxkamada ay awood sharci u leedahay inay kiiskan ku kala saarto labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

The Court by thirteen votes to three,

Finds that it has jurisdiction to entertain the Application filed by the Federal Republic of Somalia on 28 August 2014 and that the Application is admissible.

Xukunka Maxkamada Caalamiga ee ICJ ayaa ah mid kama danbeys ah oo aan Racfaan laga qaadin Karin. In its Judgment, which is final and without appeal.

Hussein Farah
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *