Xildhibaan ka badan 170 oo ka soo horjeeda farogelinta Itoobiya oo Muqdisho ku shiray – Sawiro

Published: February 3, 2017

Xildhibaano ka badan 170 Xildhibaan ayaa fiidnimada caawa ee Khamiis ah shir isugu yimid kaas oo ay iyagu soo abaabuleen.

Shirka Xildhibaanada ayaa ka dhacay Hotel Al-jaseera waxaana ay uga hadlayeen masiirka dalka, doorashada madaxweynaha iyo sida ay u beenin lahaayeen damaca itoobiya ee la sheegaayo in ay doorashada farogelin ku hayso.

Xildhibaanadan oo u badnaa kuwo mucaraadsan Musharax Xasasn Sheekh Maxamuud ee ay wadato Xukuumadda Itoobiya ayaa shirkoodu u badnaa sidii ay dalka isbeddel ugu horseedi lahaayeen maadaama taladu ay gacantooda ku jirto ee aysan hanjabaad iyo wax kaleba aysan uga waabaneyn waxa xaqu yahay.

Shirkan waxaa xiriiriye ka ahaa Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, waxaana khudbado kala duwan soo jeediyey Xildhibaanada oo isku raacsanaa in dalka is-beddel ka dhaco.

Xildhibaanada ayaa ka digey faro-gelinta dalalka deriska ah in aysan ciidamadeeda u isticmaalin arrimo siyaasadeed.

Xildhibaan Sagal Biixi Isaaq oo kamid ah Xildhibaanada cusub ee ka hadley madasha ayaa sheegtey in dadka Soomaaliyeed wax weyn ka rajeynayaan sidaas darteed masuuliyaddaas.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale ka hadley in ay muhim tahay in Madaxweynayaasha maamul goboleedyadu aysan saameyn ku yeelan.

Ugu danbeyntii waxaa shirka soo xirey Xildhibaan Ridwaan Xirsi oo sheegay in ay socoto dabayl caafimaad oo dadku ku wada diirsadey kana hortagayaan faro-gelinkasta oo ay wadaan dalalka derisku.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *