France: Hawlgalo ka socda Paris kadib weerar hal qof ku dhaawacmay – VIDEO

Published: February 4, 2017

Ciidamada Amniga ee Faransiiska ayaa hawlgalo ka wada magaalada caasimada ah ee Paris kadib weerar uu shalay geystay nin faas sita.

Weerarkan ka dhacay meel u dhaw mid kamid ah Madxafyada ku yaal magaalada Paris ayaa waxaa toogtay Askarta illaalisa xarumaha dowlada, ninkan ayaa lagu sheegay inuu u dhashay dalka Masar isla markaana uu soo galay dalka maalmo kahor.

Ninkan 29 sano jirka ah ee Abdullah lagu magacaabo ayaa dhaawac culus soo gaaray, ma cada sababta ka danbeysa weerarkan.



Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *