Maraykanka oo baaraya in Telefoonda Aqalka cad la dhegaysto

Published: February 4, 2017

Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa baaraya sida saxaafaddu ku heshay wada hadalkii dhex marey Donald Trump iyo qaar kamid ah hoggaamiyaasha caalmaka. Sidaas waxaa Fox News u sheegay afhayeenka Aqalka Cad Sean Spicer.

Wargeyska Washington Post ayaa daabacay wada hadal dhexmarey Donald Trump iyo Raysalwasaaraha Australia Malcolm Turnbull. Joornaalka ayaa sheegay in ay ahayd wada hadalku qaato muddo saacad ah laakiin Trump ayaa dhigey telefonka 25 daqiiqo markii wada hadalku socdey.

Raysalwasaaraha Australia ayaa la yaabey xogta ay daabcdey WP waxaase uu diidey in Trump telefonka ku demiyey.

Trump ayaa wadahadalka kadib wax yar waxa u Twitterka ku shaaciyey xog ay kadwa hadleen isaga iyo Turnbull oo la xiriirta heshis uu la galay Obama taas oo Australia ka carootey.

Warbaahinta ayaa sidoo kale dabacdey wada hadalii dhex marey Trump iyo Madaxweynaha Meksiko.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *