Muqdisho:Qaybtii Labaad ee Murashixiinta oo Khudbadahooda u Jeedinaya Barlamaanka

Published: February 4, 2017

Xildhibaanadda labada aqal ee Barlamaanka Federaalka ayaa maanta sabti ah bilaabay dhagaysiga khudbadaha qaybtii labaad ee murashixiinta u tartamaya doorashadda madaxweynaha Soomaaliya.

Ilaa 7 murashax ayaa khudbado ay ku sharaxayaan barnaamijooda siyaasadeed iyo qaabka ay doonayaan inay u maamulaan dalka u jeedin doonaa xubnaha Barlamaanka, waxaana kala yihiin.

C/naasir Cabdulle Maxamed

C/raxmaan C/shakuur Warsame

C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)

C/laahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees)

C/laahi Cali Xasan

C/laahi Ciilmooge Xirsi

C/qaadir Cosoble Cali

Cali Xaaji Warsame

Murashax Is Casilay

Murashaxa Cabdullaahi Cali Xasan oo ka mid ahaa sideedii murashax ee maanta jeedin lahaa khudbadaha ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay inuu ka taanusalay murashaxnimadiisa.

Wuxuu ku sababeeyay tanaasulidiisa arrimo dhowr ah oo ay ka midiyiin qiimayn ku sameeyay xaaladda qalafsan ee dalku ku jiro, wuxuu tilmaamay in 24 murashax ee isu taagay doorashadda madaxtinimada Soomaaliya ay markhaati u tahay jahwareerka siyaasadeed.

Gabagabadii, dhagaysiga khudbadaha murashixinta ayaa maalinta beri ah la soo gabagabayn doonaa, iyadoo 8 bishan february 2017 la qaban doono doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *