Duqa Muqdisho: Talaadada iyo Arbacada Muqdisho Waa Xirantahay.

Published: February 5, 2017

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay maalmaha talaadada iyo Arbacada ee toddobaadkan dhammaan wadooyinka Magaaladda Muqdisho la xiro doono, islamarkaana la joojin doono isu socodka caasimadda.

Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha Soomaaliya darteed loo xanibay dhammaan isu socodkii Gaadiidka wadooyinka muqdisho, si loo adkeeyay amniga caasimadda.

“Berrito oo Isniin ah wixii ka dambeeyey maqribkii magaalada Muqdisho isku socodkeeda aad baa loo xadidi doonaa, waliba maalmaha Talaadada iyo Arbacada oo doorashada ay dhaceyso” ayuu yiri.

wuxuu amar ku bixiyay in la xiro dhammaan iskuuladda iyo jaamacadaha ku yaal magaaladda muqdisho oo la fasaxo ardayda

“Hay`adaha waxbarashada waxaa ka rajeyneynaa in maalmahaasi ay ardayda ka fasaxaan waddooyinka xirmaya ee magaalada gudaheeda ah si aaney culeys ugu dhicin ardada”

Mar uu ka hadlayay guddoomiyaha dadka ka dhoofaya, kana soo degaya Garoonka diyaaradaha ee Muqdishi wuxuu sheegay iney u diyaariyeen Basaska dowladda hoose oo ka soo qaadi doona waddooyinka la xirayo, geyna doonaan halka laga raaco basaska aada garoonka Aadan Cade ee Muqdisho.

Gabagabadii, Duqa Caasimadda Muqdisho wuxu ugu baaqay dadweynaha inay sabraan oo dulqaataan labadaas maalmood ee doorashada ay dalka ka dhacayso.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *