Muqdisho: Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo loo diyaar garoobay

Published: February 6, 2017

Waxaa maanta oo isniin ah si rasmi ah loo soo geba-gebeeyey diyaar garowgii doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee dhacaysa maalinta arbacada ah. hawlaha diyaar garowga doorashada waxaa u danbeeyey barnaamij su’aalo lagu weydiinayey musharixinta kaas oo aan u fulin sidii loogu talo galay kadib amrkii aysan soo xaadirin Musharixiin aad u badan.

Guddoomiyaha doorashada Madaxweynenaha Xil. Dr. Cabdiraxmaan Beyle ayaa sheegay in hawlihii shaqo ee ka horeeyey ee ka horeeyey maalinta doorashada lasoo afmeeray. Doorashadu waxay dhacaysaa maalintii la qorsheeyey ee Arbacada waxaana diyaar ah dhamaan agabkii loo baahnaa, waxaan dooneynaa in ay ku dhacdo doorashadu si hufnaan iyo daah-furnaan ah ayuu yiri Dr. Beyle.

Doorashada waxaa ka qayb-qaadanaya Xildhibaano ka badan 320 Xildhibaan oo kamid ah 329 Xildhibaan ee labada Aqal ka kooban yahay.

Ol-olaha ay musharixiintu ka dhex wadaan Xildhibaanada ayaa maaraya meeshii u saraysey waxaana ka dhiman saacado kooban sidii ay ku heli lahaayeen kalsoonida Xildhibaanada aan weli go’aan gaarin qofka ay u codeynayaan.

Musharixiinta u tartamaya Xilka Madaxweynaha ayaa gaaraya 23 Xildhibaan, waxaa jira qaar badan oo kamid ah oo aan qabin wax rajo ah in ay gaarayaan kursiga ay u tartamayaan laakiin dano kale dartiis isu shraxay.

Doorashada ayaa laga beddalay halkii horey loogu qabtey haddana la qorsheynaayey, waxaana ay ka dhacaysaa xaruntii ciidanka cirka ee Afisiyoone.

Magaalada ayaa saacado kadib noqondonta mid kala xiran, sida uu go’aamiyey duqa Muqdisho axaana ay xirnaan doonta tan iyo subaxnimada Khamiista.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *