Murashax Xaaji Maxamed Yasin: Ninkii aad Kabo Ka tolaneysid Kabihiisa ayaa la eegaa! – VIDEO

Published: February 6, 2017

Waxaa shalay lasoo gabagabeeyey khudbadaha Murashaxiinta Madaxweyne waxaana gebagebadii halkaasi khudbad kasoo jeediyey Xaaji Maxamed Yassin oo ah murashaxakaliya ee ololihiisa salka ku haya ku dhaqan shareecada Islaamka.
Xaaji Maxamed Yassin oo khudbadii ugu dheerayd golaha Kasoo jeediyey ayaa si qoto dheer uga hadlay Dowladihii Soomaaliya soomaray iyo qaabkii ay uga faa`iideysan waayeen fursadahooda, wuxuuna sheegay in Shacabka Soomaaliyeed hadii ay Muslimiin yihiin laga rabo inay illaahooda u noqdaan oo ay ku dhaqmaan Diintooda.

“…Doorashadii 2004 iyo 2012 sidan oo kale baan ugu baaqay in Shariicada lagu dhaqmo, hadaa hadana diidaana waa hawl idinka idiin taal…”ayuu yiri Murashaxa oo ka hadlay ciqaabta Illaahay duldhigay Soomaaliya oo caro alle ku dhacday loona baahan yahay in Soomaalida is cafiso.

Murashax Xaaji Maxamed Yassin ayaa sheegay in Shariicada iyo Dastuurka aysan iska horimaaneyn balse loo baahan yahay in si cadaalad ah shareecada loogu dhaqmo iyadoo laga fogaanayo xagjirnimada.

Wuxuu balan qaaday Xaaji Maxamed Yassin inuu la dagaalami doono Qabyaalada isagoona sheegay in hadii uu ku guuleysto hogaaminta Villa Soomaaliya in xaruntaasi aysan noqon doonin saldhig ama xero ay ka buuxaan Qabiilkiisa ama jifadiisa, sida hada jirta. Balse noqon doonto xarun Soomaaliyeed. “…Sharafka iyo Midnimada ummada Soomaaliyeed wuxuu ka bilaaban doonaa Villa Soomaaliya…” ayuu yiri.

Amniga iyo Shaqo la`aanta
Murashax ayaa sheegay in amniga waxa khal khalka geliyey ay tahay iyadoo aan la heyn wadadii wax looga qaban lahaa Al Shabaab oo uu sheegay inuu isagu yahay Murashax kaliya ee xal u haya, isla markaana uu nabad ugu baaqi doono haday diidaana uu la dagaalami doono, wuxuuna intaasi raaciyey inuuba isaga uga horeeyey Shareecada oo aysan Al Shabaab isaga u adeegsan karin ama ku sheegi karin Murtad.

“…Waxaana ahay murashaxa kaliya ee arrinta Al Shabaab xalin kara, sadex arrin bay ku dagaalamaan oo kala ah:

1- Waxay sheegaan Qof dibada laga soo kireysatay inay la dagaalamayaan
2- In Shariicada Islaamka aan lagu dhaqmin.
3- In Ciidamo Shisheeye ee dalka joogaan.

Aniga sadexdaas mar marsiinyo iigama heli karaan, marka ugu horeysa Qof Soomaali ah oo aan dowlad shisheeye wadan baan ahay, Shariicada Islaamka anaa Al Shabaab uga horeeyey oo tartanka ku galay 2004 iyaguna 2006 bay soo baxeen oo arrintaas iigama gar heli karaan, Caqli maaha inaan ciidamo shisheeye ugu yeerano inaan ciyaalkeenii Soomaaliyeed laayaan, Soomaalida ayaa looga baahan yahay inay amnigeeda soo ceshato….”

Maanta Dowlada jirta markaa tageyso Villa Soomaaliya sidii Maskii baad u soconeysaa meel walba waa forin dagaal, dowlada nimanka xuma ma tagi karaan Afgooye iyo Balcad, ayuu yiri Murashax oo ka hadlayey xaalada amniga maanta.

Xaajiga ayaa sheegay in dhalinyarado uu shaqo u abuuri doono,isagoo si faah faahsan uga hadlay qorshihiisa shaqo abuurista oo uu soo bandhigay isagoo isticmaalayey khariirada Soomaaliya oo uu tusaale ka bixiyey goobaha uu shaqo abuurista ka sameyn doono, sida wax soo saarka Badda, Beeraha iyo Reer Guuraaga.

Maamul Wanaaga
Murashax ayaa sheegay in marka hore looga baahan yahay hogaamiyaha la dooranayo uu yahay nin aan baahi u qabin boobka xoolaha Qaranka, isagoona yiri; “….Ninka kabo ka Gadaneysid Kabihiisa ayaa la eegaa….”.

Isagoo arrintaasi kasii hadlaya ayuu yiri:

“….Dadkiina meesha jooga waxaana filayaa inaan aniga ugu dhaqaale badanahay, waxaana leeyahay 3 xaas, 21 caruur iyo 11 aan awoowe u ahay. Caruurta 18 Waa xaafildul Quraan, 8na waa Jaamiciyiin, Ninkaa kabo ka toloneysid kabihiisa ayaa la eegaa, hadaa doorataan nin Qaawan oo Gaajeysan Muxuu idiin dayn doonaa isweydiiya?…”


Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *