USA: Trump oo racfaan ka qaatay Xukunkii lagu joojiyey Xakemeyntii uu saaray Muslimiinta – VIDEO

Published: February 6, 2017

Maxkamada Racfaanka dalka Maraykanka ayaa maanta gelinka danbe dhageysan doonto Kiiska Wareegtadii Madaxweynaha Maraykanka uu saaray socdaalka Muwaadiniinta Muslimiinta ah.

Garsooraha Maxkamada Federaalka ee gobalka Washington State ayaa Jimcihii laalay wareegtadii Madaxweynaha Maraykanka oo uu sheegay inaysan xukuumada cadeyn u ahayn in dadka kasoo jeeda 7 wadan ee Muslimiinta ah oo ay Ku jiraan Soomaalida ay wax khatar ah ku yihiin dalka iyo dadka Maraykanka.

Xukuumada Trump ayaa si degdegleh racfaan uga qaadatay Sabtidii go`aanka Garsooraha, balse Maxkamada Racfaanka ayaa dib u dhigtay dhageysiga dacwadan illaa isniinta gelinka danbe, Maxkamada Racfaanka ayaa sidoo kale diiday inay qaado xayiraadii lagu laalay wareegtada iyadoo xukuumada codsaneysay in dib loo dhaqan geliyo wareegtada Madaxweyne.

Trump ayaa bartiisa Twitterka ku weeraray Garsooraha laalay wareegtadiisa isagoo sheegay in uu Xaakimkaasi khatar geliyey amniga Maraykanka, waa siduu hadalka u dhigayee.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *