Dhaq-dhaqaaqa gaadiidka oo dhan ee magaalada Muqdisho oo La Hakiyey doorashada Darteed-Sawiro

Published: February 7, 2017

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Cali Axmed Jaamac ayaa sheegay in maalinta berri ah ee Arbacada kuna beegan maalinta doorashada Madaxweynuhu dhacayso la hakiyey dhamaan duulimaadyada diyaaradaha.

Wasiirka ayaa xusay in iyadoo la fulinayo amar kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari la joojiyay dhaq-dhaqaaqii Garoonka Aadan Cadde si lamid ah sida loo hakiyay isusocodkii gaadiidka magaalada Muqdisho.

“Waxaan ku wargalineynaa Shirkadaha Duulimaadyada in maalinta Arbacada la hakiyay duulimaadyadii Garoonka Aadan Cadde, waxaa la xirayaa hawada Muqdisho, waana amar ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya” ayuu yiri Mudane Jengali.

Isla maanta waxaa dhaqan galay go’aanka ka soo abxay guddooiyaha gobolka Banaadir Yusuf Xuseen Jimcaale, waxaana xiran dhamaan waddooyinka Muqdisho ma jiro gaari dhaq-dhaqaaqi kara haba yaraatee, dadka ayaa jidadka lugeynaya, waxaana ay saameysey ganacsiga iyo waxbarashada.

Xanibaada ayaa socon doonta tan iyo Arbacada saqda dhexe.

 

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *