Muqdisho:Faroole Oo Tanaasulay Maalin Ka Hor Doorashada Madaxweynaha

Published: February 7, 2017

Iyadoo xiliga ay dhacayso doorashadda madaxtinimadda Soomaaliya ay ka harsan tahay wax yar 24 saac, ayaa magaaladda muqdisho waxaa shir jaraa’id ku qabtay Murashax C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo ku dhawaaqay inuu tanaasulay oo ka baxay tartankii doorashadda.

Faroole oo ka hadlayay sababta uu uga tanaasulay murashaxnimadiisii wuxuu sheegay in majarihii uu ka habaabayxildhibaanadii labada aqal, gaar ahaa kuwii cusbaa oo garan waayay murashixii ay codkooda siin lahaayeen oo tallada dalka ay ku aamini lahaayee, taasina ay keentay inuu isagu bilaabo oo ka baxo tartanka si uu fursad u siiyo xildhibaanadda Codaynaya.

” waxaan go`aansaday annigu inaan ka haro doorashada berita dhacaysa, annigoo uga jeeda in murashixiinta kale ee isbedel doonka ay iyaguna isa soo yareeyaan oo ay ka baxaan in badan oo ka mid ah 24 saac ee harsan ” ayuu yiri

Dhinac kale, c/raxmaan Faroole wuxuu ku eedeeyay qaar ka mid ah madaxweynayaasha Maamul goboleedyadda dalka inay u ololaynayaan murashixiinta qaarkooda, isagoo si gaar ah u xusay Madaxda iyo masuuliyiinta dowlada Puntland ee ku sugan magaalada muqdisho.

” Waliba kuwa ka yimid Puntland oo colaad iyo abaari ka jirto oo caruurtoodii iyo shaqaalahoodii xafiisyada iyagoo wata, oo labadii aqal ee barlamaanka iyo xukuumadu ay socdaan madaxdoodii ay taagan yihiin xafiisyadii iyo goobkasta, iskuna bedelay ololeleeyayaal murashaxiin oo kala qaybinaya xildhibaanadii” ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole.

Gabagabadii, c/raxmaan Faroole oo ah xildhibaan ka tirsan aqalka sare, horena u soo noqday madaxweynaha Puntland ayaa noqonaya murashixii labaad ee ka taanusala doorashada madaxweynaha Soomaaliya, waxaana la filayaa in murashixiin kale ay qaataan go’aan la mid ah midkii faroole uu qaatay .

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *