Afghanistan: Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday Maxkamada Sare – VIDEO

Published: February 8, 2017

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday xarunta Maxkamada Sare ee wadanka Afghanistaan ee magaalada Kabul.

Weerarkan ayuu geystay qof bambaano sitay oo isku qarxiyey irida laga galo xarunta Maxkamada Sare, waxaan la sheegay in ka badan 40 qof ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Dadka khasaaraha kasoo gaaray ayaa u badan shaqaalaha Maxkamada oo xiligaasi kasoo baxayey shaqada, waxaana sidoo kale dhaawaca ku jira dad badan oo rayid ah oo goobta ka ag dhawaa.

Kooxda Talibanka ayaa mudooyinkii danbe weeraro kala gedisan la beegsanayey xarumaha Garsoorka Afghanistan, duulaankaasi oo qeyb ka ha ololaha ay kooxdaasi ku dooneyso inay ku wiiqiso awooda Dowlada Afghanistan.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *