Maraykanka iyo Ingriiska oo hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya – VIDEO

Published: February 8, 2017

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa war saxaafadeed ka soo saartey doorashadii maanta oo Arbaca ka dhacdey magaalada Muqdisho ee Madaxweyne loogu doortey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

– Dalka Maraykanku waxa uu ugu hambalyeynayaa shacabka Soomaaliyeed guusha dhamaystirka geedi socodka doorashadoodi Qaran. Waxaan u hamblayeyneynaa Maxamed Cabdullaahi Maxamed doorashadii loo doortey Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, waxaan dhawreynaa wada shaqeyn dhaw oo aan la yeelano isaga iyo xukuumadda cusub ee imaan doonta. ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo abxay Markanka.

War saxaafadeedka Maraykanka ayaa Soomaaliya loogu baaqey in ay baaritaan dheeraad ah ku sameeyaan dhamaan musuq-maasuqyadii dhacay xiligii doorashada, si dalka ay uga dhacdo doorasho xalaal ah sanadka 2020.

Dalka Marayaknaka ayaa qudhiisu ku jira is-beddel waxaana la aqoon siyaasadooda ku aadan Afrika.

Dhanka kale Midowga Boqortoyada ee UK ayaa soo dhaweysey doorashadii Farmaajo

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Britian Boris Johnson ayaa sheegay in uu rajeynaayo in uu dhawaan la kulmo Madaxweynaha cusub ee la doortey.
Boris Johnson ayaa yiri: Waxaan hambalyo u dirayaa Maxamed Cabdullaahi farmaajo,guusha uu ka gaarey tartankii Madaxqweynaha.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo kabasho wanaagsan ku jirtey muddooyinkii danbe, waxaana jira caqabao waaweyn oo Madaxweynenfarmaajo laga doonayo in uu waajaho-

Ugu danbeyn Ingriiska ayaa sheegay in ay wax ka qabanayaan dhibaatada ka dhaltey Abaaraha.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa wareegii labaad ee doorashada Madaxweynaha ku guuleystey 184 cod.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *