Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatey safiirada beesha caalamka

Published: February 9, 2017

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa kulan la qaatey safiiro ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminaayo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya Michael Keating.

Beesha caalamka ayaa Madaxweyne Farmaajo gaarsiiyey dhambaalo hambalyo ah oo ay uga sidaan dalalkooda waxaana ay ballan qaadeen in ay daa’imsan yihiin taageerada ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kala hadley safiirada uu kulanka la qaatey xaaladda abaarta ee ka taagan Soomaaliya, taas oo beesha caalamku wel-wel xooggan ka soosaareen in ay dalka ka dhacdo macaluul lamid ah tii sanadkii 2011.

Weli waxaa dalka ka socda dabaaldega iyo damaashaadka loo dhigayo Madaxweyne Farmaajo oo ay hortaalo shaqooyin adag oo ay ugu horeyso magacaabida raysalwasaarihii hoggaamin lahaa xukuumadda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *