Maxkamadda sare ee Kenya oo go’aamisey in xerada Dhadhaab aan la xiri karin – VIDEO

Published: February 9, 2017

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa is-hortaagtey go’aanka xukuumadda Kenya ee ahaa in la xiro Xerada Dhadhaab.

Xukuuumadda Kenya ayaa horey u ballan qaadey in Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab la xiraayo ugu danbeyn dhamaadka bishii Nofeembar ee sanadkii 2016, laakiin ay muddada u kordhisey mar danbe oo codsi loo jeediyey.

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa ku tilmaantey go’aanka Xukuumadda Kenya mid xadgudub ku ah xuquuqda aadanaha.

“…Go’aanka Xukuumaddu wuxuu si gooni ah u bartilmaameedsanayaa qaxootiga Soomaalida taasoo ah mid sharci darro ah, sidaas darteedna waxaan go’aankaasi ka soo qaaday mid aan waxba ka jirin…” ayuu yiri John Mativo, xaakimka maxkamadda sare.

Go’aanka Xukuumadda Kenya ayaa soo baxay sanadkii 2015 waxaana fulintiisa la bilaabey sanadkii 2016, waxaana la is weydiinayaa sababta go’aanka Maxkamaddu sidaas ugu daahey.

Dhamaan hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo hay’adda UNHCR ayaa a hor yimid go’aanka Kenya kuna tilmaaamey mid khatar gelinaaya nafta dadka qaxootiga. Dhadhaab ayaa la sheegaa in ay tahay mid kamid ah xeryaha ugu waaweyn caalamka.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *