Puntland oo Soo Dhawaysay Guushii Farmaajo.

Published: February 9, 2017

Dowladda Puntland ayaa si weyn u soo dhawaysay doorashadda Madaxweynaha Cusub eee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay 8 february ay xildhibaanada ku doorteen Magaaladda Muqdisho.

Warsaxafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay inay qayb weyn ka ahaayeen dadaalkii loo soo galay isbedelka doorashooyinka dalka, iyadoo galisay waqti badan, islamarkaana si buuxda ugu qanacsan guusha uu maanta ku guulaystay Madaxtinimada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Dowlad iyo shacab-ba waxay dhab`ah ku qanacsan yihiin in Madaxweyne Maxamed Cabdulllahi Farmaajo yahay shakhsigii ummada Soomaaliyeed ay u baahnayd, isla markaana ka saari kara jahwareerka siyaasadeed iyo xaalada amni darro ee dalka ka jirta” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka.

Dowladda Puntland waxay sheegtay inay si buuxda ula shaqayn doonto Madaxweynaha, madaama Puntland looga bartay inay garab istaagto dowladnimada iyo Qaranimada soomaaliya.

Gabagabadii, Dowladda Puntland ayaa u rajaysay madaxweynaha Cusub in ilaahay ku asturo xilka culus ee loo igmaday, islamarkaana uu noqdo mid soo celiya haybaddii iyo qaranimadii Soomaaliya, soona dhiso xukuumadda Tayo leh.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *