Madaxweyn Gaas iyo Safiirka Ingiriiska ee Somaliya Oo Muqdisho Ku Kulmay.

Published: February 10, 2017

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magaaladda muqdisho kulam kulmay safiirka cusub ee Dawladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya David Concar, iyagoo ka wadahadlay doorashadii Madaxweynaha ee lagu doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Kulanka oo ka dhacay xarunta safaaradda Ingiriiska ay ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa yimid kadib casumaad uu safiirku u sameeyey Madaxweynaha Puntland, waxayna si qoto dheer uga wada hadleen xiriirka labada dhinac, arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyo isbeddelka cusub ee ku yimi hogaanka Soomaaliya, abaaraha, ammaanka, dhaqaalaha, mashaariicda horumarineed ee ay Dawladda Ingiriisku ka fuliso Puntland iyo arrimo kale.

Madaxweyne Gaas ayaa safiirka uga waramay xaaladaha abaaraha iyo saamaynta ay ku yeesheen dadka xoolo dhaqatada ah ee Soomaaliya, wuxuuna ka dalbaday in Dawladda Ingiriisku ay gacan ka geysato arrimaha abaaraha iyo sidii loo taakulayn lahaa dadka ay abaaruhu ku habsadeen.

Safiirka cusub ee Dawladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya David Concar ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntlnd uga mahad celiyay sidii uu u aqbalay kulankooda, wuxuuna intaa ku daray in Dawladda Ingiriisku ay soo dhoweynayso isbeddelka cusub ee ku yimi dhinaca siyaasadda Soomaaliya, Sidoo kale safiirka ayaa ballan qaaday inuu tagi doono deegaanada Dawladda Puntland.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *