Madaxweynaha Puntland: Doorashada Farmaajo Wanaag ayay u Tahay Puntland.

Published: February 11, 2017

Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaaran oo uu hoggaaminayayoo maanta ku laabtay magaaladda Bosaso ayaa ka hadlay doorashadii madaxtinimada ee lagu doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha ee Bosaso , wuxuu sheegay inay waajib ahayd in Puntland ay qayb ka ahaato isbedelka Doorasho ee Soomaaliya, isla markaana ay ka qayb gasho, kor joogtaysana isbedelka doorasho ee Soomaaliya,

wuxuu sheegay in Puntland kalsooni ku qabto madaxweynaha Cusub ee la doortay , islamarkaana isbedelkii hoggaanka sare ee muqdisho ka dhacay uu ahaa mid loo baahna

´` Dawladda Puntland oo ka mida Dawladaha ugu muhiimsan ee Soomaaliya waajib baynagu ahayd inaan tagno, ka qayb galo, korjoogtayno, isbedel kaas oo saamayn weyn dabcan ku yeelanaya itijaaha siyaasadeed ee Soomaaliya, markaa Puntland muhiim bay ahayd inay joogto oo ay ka qayb gasho” ayuu yiri Madaxweyna Gaas

Madaxweyne gaas wuxuu kaloo sheegay in dowladda Puntland ay diyaar u tahay inay wadashaqayn dhow la yeelato Madaxweynaha cusub iyo Ra’isul Wasaaraha uu soo magacaabi doono

´`runtii isbedelka maanta ka dhacay Soomaaliya, waa isbedel khayr-qaba oo ay ku kalsoon yihiin Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya oo dhan, doorashada Madaxwweynaha DFS Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wanaag bay u tahay Puntland, Soomaaliyana guud ahaan waxaan filayaa sidaa soo kale“ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo Qaar ka mid ah madaxda Maamul goboleedyadda Dalka ayaa magaaladda muqdisho kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Md Farmaajo, inkastoo aan la shaacin waxyaabihii ay ka wadahadleen.

Gabagabdii, Madaxweynaha Puntland iyo weftiga ballaaran ee uu hoggaaminayo ayaa maalinta Talaadada ah magaalada Bosaso kaga qaybgali doonaa aas qaran oo loo samaynayo Madaxweynihii hore ee Puntland Gen Maxamuud Muuse Xirsi ( Cadde), oo maalintii arbacadii ee toddobaadkii hore ku geeriyooday dalka Isu-taga imaraadka Carabta.

 

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *