Madaxweynaha Soomaaliya oo Kormeer Ku Tagay Xarunta madaxtooyada-Video

Published: February 11, 2017

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeer ku tagay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaana ku soo dhaweyeey madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Mudane Farmaajo ayaa la sheegayaa in uu tagay xarunta Madaxtooyada iyadoo aan la xirin wadooyinka gala Madaxtooyada, iyadoo ay ammaankiisa ay sugayeen ciidamada Gaashaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo iyo Mudane Xasan Shekh Maxamuud ayaa wada qaatay kulan albaabada xiran, inkastoo ilaa iyo hadda aan la shaacin waxyaabihii ay ka hadleen.

Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeeray qeybaha kale duwan ee ay ka kooban tahay Madaxtooyada .

Weli si rasmi ah xilka ulama wareegin Madaxweynaha cusub ee dowladda Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.


Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *