Hargaysa: Buuq iyo Gacan Kahadal Ka Dhashay Ansixinta Heshiiskii Imaraadka ee Saldhiga Millateri ee Berbera

Published: February 12, 2017

Xildhibaanada labada aqal ee Somaliland ayaa si wadajir u ansixiyay in Garoonka diyaaradaha ee Berbera lagu wareejiyo dowladda Imaraadka carabta halkaasi oo ay ka dhisaynayso saldhig milateri.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed siilaanyo oo maanta khudbadihii sanadlaha ahay ka akhriyay kalfadhiga Xubnaha Gollayaasha barlamaanka iyo guurtida ee Somaliland ayaa xildhibaanada ka codsaday inay ansixiyeen heshiiskaas.

Heshiiskan oo ay u codeeyeen 144 xildhibaan waxaa ka dashay buuq iyo gacan ka hadal dhexmaray xubnaha labada golle, taasi oo dhalisay in guddoomiyaha barlamaanka Somaliland C/raxmaan ciro uu ka baxo hoolk barlamaanka.

Guddoomiyaha Barlamaanka Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargaysa wuxuu ku tilmaamay codayntii iyo ansixintii heshiiska saldhiga milateri mid sharci darro, islamarkaana aan asax ahayn, waxaa kaloo uusheegay in saddex xildhibaan ay ku dhaawac gacan kahadalkii dhacay, sidoo kalen lix xildhibaan oo kale loo taxaabay xabsiga

“kani heshiis ma ahee waa waxa warqadaas ku qoran, wax saxiix ahina kuma yaalo, arrintaas waxaanu u aragnaa golle la afuudbay wax heshiis ahina ma jiro, wax asaxayna ma jiraan, maxkamadana sare iyo meeshii kale ee loo gudbinayaya xaq buu u leeyahay golluhu” ayuu yiri Guddoomiyaha Barlamaanka Somaliland

Guddoomiyuhu wuxuu ka codsaday dadweynaha soomaaliland inay u soo gurmadaan barlamaanka oo uu sheegay in xukuumaddu ay afduubtay, waxaa kaloo la soo sheegayaa in bannaanbaxyo ay ka bilowdeen magaaladda Hargaysa iyo Magaalooyin kale oo ku yaal Somaliland.

Heshiiska muranka baddan ka dhexdhaliyay barlamaanka iyo xukuumadda Somaliland ayaa waxaa wada saxiixday Dowladda Somaliland iyo dowladda Imaraadka oo saldhig milateri ka dhiganaysa Garoonka diyaaradaha Berbera oo hore u ahaa saldhigii ciidamada cirka ee Somaliland, waxaana sidoo kale saldhig uu u ahaa Ciidamadii Midowga sofiyati Sanadihii toddobaanaadkii.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *