Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyey geerida ku tmid Sareeye Guuto Xirsi Gaataa

Published: February 12, 2017

Madaxweynaha Puntland-Soomaaliya Dr.Cabdweli Maxamad Cali Gaas ayaa uga tacsiyadeeyey shacabka Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed geerida naxdinta lahayd ee ku timid Sareeyo guuto Xirsi Saciid Faarax Xirsi Gaataa.

Dr.Gaas oo ku hadlaya magaca golayaasha iyo kan shacabka Puntland waxa uu uga tacsiyeeyey ciidmada Puntland , shacabka, ummadda Soomaaliyeed, eheladii, asxaabtii iyo qarabaadii uu ka baxay janankii hore ee ciidamada booliska Puntland Sareeyo guuto XIrsi Siciid Faarax Xirsi Gaataa

Allaha u naxariistee janankii hore ee ciidanka booliska Puntland ayaa ku geeriyooday magaalada Hargeya oo mudooyinkii dambe u joogay xaalad caafimaad.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku tilmaamay marxuumka halyey ku xeeldheer maamulka iyo maaraynta howlaha ciidanka.

..Innaa lilaahi wa innaa ilaahi raacijuun waxaan murugada la wadagaaya shacabka Puntland, ciidamada kale duwan ee Puntland, gaar ahaan ciidanka booliska ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee sareeyo guuto Xirsi Saciid Faraax Xirsi Gaata.

madaxweynaha Puntland ayaa ugu dambeyn marxuumka Alle uga beryay in uu dhaafo dambigiisa, janada ka waraabiyo.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *