Marxuum Cadde Muuse oo Maalinta Talaadada Lagu Aasi Doono Bosaso

Published: February 12, 2017

Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Gen Cadde Muuse Xirsi ayaa magaalada bosaso loogu samayn aas qaran halkaasi oo lagu aasi doono sida uu sheegay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweyne Gaas wuxuu sheegay in Cadde muuse uu ahaa oday Soomaaliyeed, wuxuuna tacsi u diray eheladii, Qaraabadii iyo dhammaan ummada soomaaliyee ee uu ka baxay madaxweynihii hore ee Puntland.

” wuxuu ahaa oday Soomaaliyeed, oday Puntland, reer gaar ah iyo qoys kama dhiman ee Puntland iyo soomaaliya oo dhan ayuu ka dhintay, waxaanu sugaynaa maydka marxuuma oo la keenay talaadada” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Aaska qaran waxaa la filayaa inay ka qaybgalaan Ra`isul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali sharma`arke, Labada golle ee dowladda Puntland iyo masuuliyii kale, waxaa kaloo ka qaybgali masuuliyiin ka socda wadamada deriska.

Alle ha u naxariistee, Gen Cadde Muuse Xirsi oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamadii Xooga dalka Soomaaliya wuxuu dowladda Puntland madaxweyne ka ahaa sanadihii 2005tii ilaa 2009kii xiligaas oo doorasho ka dhacday garoowe uu ku wareejiyay madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *