Karkaar: Gudiga Gurmadka Abaaraha Puntland oo biyo dhaamin u sameeyay reer Miigii u soo Hayaamay gobolka

Published: February 13, 2017

Gudiga gurmadka abaaraha Puntland oo mudo 5 maalmood ah ku howlanaa sidii biyo loo gaarsiin laahaa reer guuraaga soo naq racay ee ku sugan gobolka karkaar ayaa soo gabgabeeyay biyo dhaanka gobolka iyagoona biyo gaaraya 306 bbooyadod oo booyad walba ku qimaysa 100 doolar garsiyay reer guraga ku sugan deeganada la isugu soo guuray ee roobabku ka da`een.

Gudiga ayaa mudadii howshani ay wadeen waxa ay maalin iyo habeenba u dhaxayeen sidii dadka reer guraaga si guud ugu kulmin laheeyeen halgoob islamarkana ay ugu wareejin lahaayeen lacagaha ay biyaha ku dhaansanayaan iyadoona goob walba lagu kulminayay inta biyaha isla cabta oo kaam wadaag ah islamarkana lacagohooda siwadjir ah logu wareejinayay lana gudoonsiinayay qofka ay isku racanaa ee raliga ay isaga yihin.

Goobaha biyahan laga qaybiyay ayaa waxa kamid ah:

Quraar iyo Xam-xamaa (Dhudhub) 24 booyadood

Qormo xidid kaamka sh. Murjaan 15 booyadood

Kaamka Guulaan iyo Gorayaale 14 booyadood

Kaamka Makadoor 12 booyadood

Geed Qaloox 10 booyadood

Kaamka Food Cade iyo Qaylo wayne 12 booyadood

Kaamka Ciin ama Buurta Saacada ` 5 booyadood

Dhuur (dhuudo) 20 booyadood

Shiilin Madow iyo Ageeda (dhuudo} 20 booyadood

Ortante 20 booyadood

Shubmeegaag 12 booyadood

Karin-sarmaan 20 booyadood

Buur-deero 20 booyadood

Laas Baxay 10 booyadoo

Qoton 30 booyadood

Sarmaan 20 Booyadood

Xumbays 20 booyadood

Gobab 2 booyadood

Meegaag 20 booyadood

 

Wadarta biyaha reer guuraaga gobolka Karkaar la gaarsiiyay waa 306 booyadood

Biyahan reer guuraaga la gaarsiiyay ayaa ka mahadceliyay gudoomiyaha gobolka karkaar oo culimada ku wehliyay safarka biyo dhaaminta iyo waliba dadkii la gaarsiiyay biyahan dhamantood waxay u mahadceliyeen Culimada iyo dadkii la baxay lacagaha biyaha logu dhaaminayo dadkan biyo la`aanta haysata.

Muuqaal:

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *