Maxkamadda dambiyada culus ee Puntland oo xakun dil toogasho ah ku riday dhalinyaro ku eedeysnaa Al-Shabaab-Dhegayso

Published: February 13, 2017

Maxkamadda dambiyada culus ee gobolada Bari, Sanaag, Hayland, Gardafuu iyo Karkaar ayaa la horkeenay eedeysanayaal ku eedeysnaa in ay ka tirsanaayeen xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta buuraha Galgala

Eedeysanayaasha ayaa garaayey 7 ruux, waxaana lagu kala magacaabaa Nuuradiin Axmad Samatar, Ayuub Yaasiin Cabdi, Cali Ismaaciil Cali, Xasan Aadan Xasan, Cabdxakiin Maxamad Aweys, Maxamad Yaasin Maxamad iyo Daa’uud Saciid Sahal,

Dhegeysiga kiiska iyo eeda xeer ilaalinta kadib ayaa lagu xakumay dhalinyarada xakun dil taagasho ah.

Gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland Cabdifitaax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay xakunka.

Sidoo kale gudoomiyaha maxkamadda Cabdifitaax Xaaji Aadan ayaa sheegay in xakun lagu riday dhalinyarada uu ka furan yahay rafcaan soddon malmood gudahood ah.

Qaar ka mid ah dhalinyarada lagu riday xakunka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan wax dambi lahayn, isla markaanaa la soo qabtay xili ay ku sugnaayeen goobahooda ganacsiga iyo guryahooda.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *