Alle Ha u naxariistee Maydka Gen Cadde Muuse oo La Keenay Bosaso.

Published: February 14, 2017

Waxaa saaka garoonka Diyaaradaha ee magaalada Bosaso laga soo dejiyay meydka Allaha u naxariistee Gen Cadde Muuse Xirsi, madaxweynihii hore ee Puntland oo todobaadkii hore ku geeriyooday magaalada Dubai ee dalka Imaraadka Carabta.

Ciidamo ka tirsan milateriga Puntland ayaa salaan sharaf siiyay marxuumka, iyadoo kooxda bambaydana ay u garaaceen heestii ataanka Calanka, waxaana lagu wadaa saacadaha soo socda lagu aaso isla garoonka diyaaradaha Bosaso.

Garoonka diyaaradaha waxaa ku sugnaa Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne K/xigeenka Puntland C/xakiim Xaaji cumar , masuuliyiin ka socday labada golle ee dowladda Puntland, iyo Masuuliyiin iyo saaxiibo ay soo wadashaqeeyeen gen Cadde Muuse.

Waxaa kaloo aaska qaran ka qaybgalaya Ra`isul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo oo saaka ka dhoofay magaaladda Muqdisho, iyagoo gaaray magaalada bosaso goor dhawayd.

Alle u naxariistee Maydka Madaxweynihii Hore ee Puntland waxaa la socday Marwadii uu ka geeriyooday iyo labo wiil oo u dhalay, iyadoo hadda ay socoto tukashada Salaada janaasada, khudbadaha culumada iyo masuuliyiinta dowladda, waxaana filayaa saacadaha soo socda in lagu aaso garoonka diyaaradaha Bosaso.

Faahfaahin dheeraad iyo Sawiro goor dhow Filo

 

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *