Falastiin: Xamaas oo hogaamiye cusub u dooratay Gaza – VIDEO

Published: February 14, 2017

Maamulka Xamaas ee ka taliya Gaza ayaa doortay hogaamiye cusub, kadib doorasho Qarsoodi ah oo ka dhacday Golaha xisbiga Xamaas ee Gaza.

Hogaamiyaha cusub ayaa loo doortay Yahya Sinwar oo kamid ahaa aasaasayaashii garabka hubeysan ee Xamaas, ninkan ayaa muddo 23 sano ah kusoo jiray Xabsiga Israel.

Yahya Sinwar ayaa xabsiga laga soo daayey sanadkii 2011, kadib markii Israel iyo Xamaas is dhaafsadeen maxaabiista. Xamaas ayaa xiligaasi askarigii Yuhuudka ahaa ee Gilat Shalit ku bedalatay maxaabiis gaareysay 1,047 oo uu kamid ahaa Yahya Sinwar oo ay Israel ku xukuntay xabsi daa`in.

Doorashada Yahya Sinwar ayaa lagu tilmaamay inay tahay fariin adag oo ku socota Israel, waxaana dhici karta in hogaamiyahan cusub uu caqabad ku noqdo wadahadalada laga dhexwaday inay midoobaan Xamaas iyo ururka PLO ee maamulka Falastiin ee ka taliya Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin.

Hogaamiyihii hore Ismail Haniyeh ee Gaza ayaa isagu hada kuxigeen u ah hogaamiyaha sare ee Xamaas Khalid Mishaal oo isagu Qurbo Joog ah.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *