Hanti-dhowraha Federaalka: Heshiiska Saldhiga Milateri ee Berbera Waa Khiyaamo Qaran

Published: February 14, 2017

Hanti-dhowraha guud ee dowladda federaalka Soomaaliya Nuur Faarax Jimcaale ayaa ku tilmaamay waxba kama jiraan heshiiskii maamulka Somaliland ay kaga kireeyeen Garoonka diyaaradaha Berbera Dowladda Imaraadka Carabta.

Jimcaale oo shir jaraa`id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in heshiiskaasi uu dagaal ka dhex abuuri karo dadka Soomaaliyeed, islamarkaan uu culays nabadgelyo iyo dhaqan dhaqaale uu sababi karo

“Reer Saaxil, dhibka soo gaaraya waxaa ka mid ah meeshaasi waxaa ay noqon doontaa meel militariga ma ahee, waxa kale ka caagan, dadkii ka shaqeysan jiray, oo quutul-yoomka ka heli jiray dhib ayaa ka soo gaaraya, guud ahaan reer Somaliland dhib ayaa soo gaaraya, dhammaan umadda Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogto dhib ayaa soo gaaraya, gobolka uma baahna xasarad iyo dagaal abuur”.

Wuxuu ku eedeeyay dowladda Imaraadka carabta inay ka shaqaynayaan kala qaybin shacabka Soomaaliyeed, isagoo ka dalbaday inay joojiyaan oo ka waantoobaan ficiladaas.

“Shalay DP Wold ayay ahayd, maanta waa saldhig milateri, waa markii 2aad oo heshiis gacan ku rimis ah, oo Hotellada Imaaraadka dad ka mid ah dowladda ama maamulka Somaliland ay hadba heshiis la soo saxiixanayso, heshiiskaan oo qabyo qoraal ah oo aan dadka la tuseynin, heshiiska haddii uu xalaal yahay, maa heshiiska oo dhameystiran la daabacao oo dadka la tuso” ayuu yiri

Dhinaca kale, Wuxuu ku eedeeyay xubno ka tirsan xukuumadii Federaalka ee waqtigeedii dhammaaday in ay qeyb ka aheyd heshiiska iyo heshiisyo kale ay dowladd Imaraadka la soo galeen.

“Heshiiskan inuu ahaa musuqmaasuq waxaa kugu daliil ah looma tartamin, hunfaan ma marin, wax alle waxaa uu heshiikan u qotomo sharci ma aha cid qiimaysa iyo xisaabtan ku samaysay ma jirto” ayuu yiri wuxuuna sii raaciyay

“mar waxaa weeye labo ruux oo federaalka ka tirsanbaa Dubai lagula shirayaa, waxaa la leeyahay heshiis ayaanu la galnay, 3 kale ayaa lagu shirinayaa imaaraadka, waxaa lala yeeyahay dekadda Berbera ayaan kala shirnay. Reer saaxil, Somaliland iyo Soomaaliya guud ahaan waxaa arrinkaasi ku keeneysaa caqabad lama eegin maxaa umadda dan u ah” ayuu yiri.

Ugu dambayntii, hanti-dhoruhu wuxuu sheegay inay qoraal ashkato ah u gubinayaan Ururkada Jaamacada Carabta iyo Qaramadda Midoobay oo kaga cabanayaan xadgudubka imaraadku uu ku sameeyay qaranimadii iyo madaxbanaanidii Soomaaliya.

Gabagabadii, Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan weli ka hadlin hehiiska dhexmaray imaraadka iyo maamulka Somaliland, kaasi oo muddo 25 sanno ka badan laga kireeyay dowladda imaraadka Garoonka diyaradaha ee Berbera.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *