UN: Golaha Amaanka oo cambaareeyey Kuuriyada Waqooyi – VIDEO

Published: February 14, 2017

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo xalay kulan deg deg ah ka yeeshay Tijaabintii dowlada Kuuriya Waqooyi ee gantaal nooca xambaara Nukliyeerka.

Dalalka Maraykanka, Japan iyo Kuuriya Koonfureed oo codsaday kulankan Golaha Amaanka ayaa ku eedeeyey Dowlada Kuuriya Waqooyi inay markale jabisay xayiraadii horey loo saaray isla markaana khatar ku tahay amniga caalamka.

Gantaalkii Axadii lasoo dhaafay Kuuriyada Waqooyi tijaabisay ayaa ah mid loogu talo galay inay xambaaraan maraakiibta bada quusta ama Gujiska, balse tijaabadan ayaa laga sameeyey dhanka beriga. Gantaalkan ayaa la sheegay inuu gaari karo in ka badan 2000km, waxayna muujineysaa in Kuuriyada Waqooyi ay horumar ka sameysay dhinaca gantaaladadooda ridada dheer.

Kuuriyada Waqooyi ayaa kusoo beegtay tijaabintan xili uu Raysalwasaaraha Japan uu booqasho ku joogay dalka Maraykanka, waxaana lagu tilmaamay inay sidoo kale digniin u ahayd Maamulka cusub ee Maraykanka ee uu hogaamiyo Donald Trump.

Maaha markii ugu horeysay ee uu Golaha Amaanka digniin u diray ama xayiraad saaro Kuuriyada Waqooyiga, balse waxaa muuqata in xukuumadaasi aysan hawlaheeda marnaba u hakin cambaareynta uga imaaneysa beesha caalamka.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *