USA: Lataliyihii Amniga ee Trump oo iscasilay – VIDEO

Published: February 14, 2017

Waxaa xilka iska casilay La Taliyihii sare ee Madaxweynaha Maraykanka Donalad Trump oo xilka haya muddo sadex todobaad ah oo kaliya.

Gen. Michael Flynn ayaa sheegay inuu xilka iska casilay kadib markii ayaa soo baxday inuu horey gorgortan iyo wadahadal kula jiray Diblumaasiyiinta Ruushka kahor intuusan xilka la wareegin Donald Trump. Taasi oo ka horimaaneysa sharciga loo yaqaan Logan Act.

Sharciga Logan Act ee la sameeyey sanadkii 1799 ayaa ka mamanuucaya qof aan xil ka hayn dowlada inuu gorgortan la galo dowlad kale isagoo matalaya dowlada uu kasoo jeedo, waxaana jirta cod sir ah oo ay Sirdoonka Maraykanka ka qabteen xiriirkii telfoonka ee dhexmaray Gen.Flynn iyo Safiirka Ruushka u fadhiya Washington DC.

Wasaarada Cadaalada ee Maraykanka ayaa sidoo kale la sheegay inay Aqalka Cad uga digtay xiriirka Gen.Flynn iyo Ruushka, waxaana jirta in Jeneraalkaasi lataliyaha ah uu horey been uga sheegay wadahadalkii uu la yeeshay Safiirka Ruushka.

Gen.Michael Flynn ayaa la sheegay inuu Ruushka kala hadlay arrimaha cunaqabateynta ay dowladii markaasi xilka heysay ee Barack Obama saartay xukuumada Moscow, kadib markii Ruushka lagu eedeeyey inuu farogelin ku sameeyey doorashadii ka dhacday Maraykanka.

Xog laga helayo Saraakiil sirdoonka Maraykanka ka tirsan ayaa sheegaya in Gen.Flynn uu Ruushka u balan qaaday inay ka qaadi doonaan cunaqabteynta uu Obama saaray marka uu xilka la wareego Donald Trump, arrintaasi oo si toos ah uga horimaaneysa shircigaasi loo yaqaan Logan Act.

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay isa soo tarayey cadaadiska iyo su`aalaha Aqalka Cad laga weydiinayo arrintan, Donald Trump ayaa ka gaabsaday inuu arrintan warbaahinta wax jawaab ah kasiiyo.

Xalay ayuu Gen.Michael Flynn shaaciyey inuu xilka iska casilay.

Gen.Michael Flynn ayaa horey usoo qabtay hogaanka sirdoonka Militariga waxaana shaqada laga eryey xiligii Xukuumadii Obama, kadib markii la sheegay inuu si khaldan u isticmaalay sirta Militariga.

Gen.Flynn ayaa ah nin si weyn u neceb Islaamka iyo gaar ahaan dalka IRAN oo uu ololeyn jiray in Maraykanka duulaan ku qaado. Wuxuuna buug uu horey u qoray ku tilmaamay Diinta Islaamka cudurka Kanserka oo loo baahan yahay in laga hortago, waa siduu hadalka u dhigayee.

Ninkan ayaa kamid ahaa raggii sida weyn ulla soo shaqeeyey Donald Trump xiligii uu ku jiray ololaha doorashada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *