Cali Maxamed Geedi oo ol-ole ugu jira xilka Rayslwasaaraha Soomaaliya

Published: February 15, 2017

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada latashiyo xooggan oo ku aadan qofka noqonaya raysalwasaaraha Soomaaliya. Sida uu qabo Dastuurka Madaxweynuhu waxa uu haystaa muddo 30 maalmood ah kadib marka xilka loo dhaariyo in uu ku magacaabo Rayslawasaare haddii aan baarlamaanku xiliga u kordhin.

Waxaa jira Siyaasiyiin badan oo xilkaas doonaya in ay qabtaan. Marka la eego habka awood qaybsiga beelaha Soomaaliyeed ee aan dastuuriga ahayn ama aan ahayn mid qoran ee uu yahay mid heshiis lagu yahay ayaa la garanayaa beesha Raysalwasaaraha cusub uu ka imaanayo, maadaama dalku aanu welu lahayn nidaamka Xisbiyada markaas oo xisbiga guuleystaa uu qaadanayo xilka Raysalwasaaraha.

Warar Horseed Media heleyso ayaa sheegaya in siyaasi Cali Maxamed Geedi uu ka mid yahay magacyada safka hore ku jira in ay qabtaan xilkaas, waxaana uu ol-ole ka dhexwadaa Xildhibaanada iyo weliba siyaasiyiinta kale ee isaga ku dhaw. Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa u arka Cali Maxamed Geedi nin dheelitir u sameyn kara siyaasadda cusub ee dalku qaadey. Dad badan oo ka soo horjeeda in xilkaas Cali Geedi loo magacaabo ayaa jira kuwaas oo ku sababenaya xiriirka uu la wadaago dalalka deriska gaar ahaan Itoobiya oo ciidamo xooggan Soomaaliya soo gelisey xiligii hore ee uu ahaa raysalwasaaraha, haddana ku fashilantey farogelintii ay ku haysey doorashada Soomaaliya.

Cali Maxamed Geedi ayaa waxaa Raysalwasaare u magacaabey Madaxweynihii hore ee DKMG Cabdulaahi Yusuf (AUN) sanadkii 2004, waxa uu ahaa magac siyaasadda Soomaaliya ku cusub, waxaana uu xilka iska casiley kadib markii ay is qabteen Madaxweynihiisi sanadkii 2007.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *