Dowladda Federaalka oo 22ka bisha Joojinaysa Duulimiyaada Garoonka Muqdisho

Published: February 15, 2017

Wasaaradda Gaadiiidka iyo Duulista Hawada ee federaalka ayaa wareegto ay soo saartay waxay ku sheegay inay joojisay dhammaan Duulimaadyadii Garoonka Adan Cadde maalinta arbacada ee 22-Bishaan, maadaama maalintaas ay ku beegan tahayCaleema Saarka Madaxweynaha cusub eeSoomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wareegtan oo uu ku saxiixnaa Maxamed Isaaq Cismaa oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda, islamarkaana sii hayaha xilka ayaa ku amray maamulka garoonka inay hakiyaan dhammaan duulimaadyada marka laga reebo diyaaradaha sida wufuuda caalamiga ahka qaybgalaysaa munaasabada caleemo-saarka.

Horseed media 2017

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *